Sacuudiga oo sheegay in uu kordhinayo taageerrada uu siiyo Soomaaliya

0

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in ay kordhinayso taageerrada ay siiso Soomaaliya gaar ahaan dhinaca Bani aadamnimada, waxa ay xustay in arrintaan ay fursad u  noqon doonto dadka dantayar ee caawinaadda u baahan. Sacuudiga ayaa sheegay in mashaariic kala duwan oo Soomaaliya ay ka caawiyaan ay noqdeen fursado muhiim ah, waxaana kamid ah Bangiga Dhiigga Qaranka ee Muqdisho ku yaalla...

Sacdiya Bajaaj oo dalbatay in si degdeg ah loo dhageysto racfaankeeda

0

Sacdiyo Macalin Cali (Sacdiya Bajaaj) oo ahayd gabadh ku shaqeysan jirtay gaadiidka Bajaajta, ayaa warqad ay ka soo dhex qortay gudaha Xabsiga Dhexe ee Muqdisho ku dalbatay in si degdeg ah loo dhageysto racfaankeeda, iyadoo sheegtay in xukunka saddexda sano ee lagu riday uu yahay mid ka dhashay aragtideeda siyaasadeed ee nabdoon. Sacdiyo Bajaaj, oo ah hooyo leh ilmo 12...

Safiirka Midowga Yurub oo soo gaba-gabeysay muddo-xileedkeedii diblomaasiyadeed ee Soomaaliya+ Sawirro

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay) ayaa kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Marwo Francesca Di Mauro oo soo gaba-gabeysay muddo-xileedkeedii diblomaasiyadeed ee dalka. Kulanka ayaa ku soo beegmay dhammaadka shaqadii Safiirka ee Soomaaliya, iyadoo wasiirka ay booqasho sagootin ah ugu timid ka hor inta aysan macasaalameyn magaalada Muqdisho...

Maamulka Puntland oo shuruud ku xiray aqoonsiga heshiis kasta oo ay wadagalaan DFS & Turkiga

0

Maamulka Puntland ayaa sheegay in uusan aqoonsanayn heshiis weliba oo ay wada galaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Tukirga iyada oo aanay la wargelin sida lagu xusay warka kasoo baxay Maamulkaas. Puntland ayaa sheegatay in ay si iskeed ah uga faa’iidaysan karto Khayraatka ku jira Badda & dhaqaalaha buluugga ah ee xeebaha maamulkaas, Badweynta Hindiya & Gaanta Cadmeed oo dhererkoodu gaarayo...

QM oo dib u eegeysa saamaynta ka dhallan karta go’aanka Maraykanka uu ku joojiyay taageerrada uu siinayay AUSSOM

0

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay si gaar ah u qiimayn doonto saamaynta taban ee ka dhallan karta go’aanka Dowladda Maraykanka ay ka joojisay kaalmadii Dhinaca Saadka ee howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ay siinaysay. Afhayeenka Qaramada Midoobay, Stéphane Dujarric ayaa sheegay in ay waqti haystaan maadaama muddada Maraykanka uu joojinayo kaalmada ay ku siman tahay billowga sannadka soo socda...

Turkiga oo Soomaaliya ka dhisaya xarun hawada sare iyo tijaabinta gantaallada

0

Turkiga ayaa ka wada bartamaha Soomaaliya dhismaha xarun loogu talagalay hawada sare iyo tijaabinta gantaallada riddada dheer, sida lagu sheegay warbixin ay Arbacadii daabacday wargeyska Faransiiska ee Le Monde. Warbixintu waxay sheegtay in mashruucan, oo si rasmi ah loogu dhawaaqay bishii Diseembar 2025 inuu yahay iskaashi dhinaca tiknoolajiyadda ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, uu ka koobnaan doono saldhig...

Qaraxyo caawa laga maqlay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya

0

Qaraxyo waaweyn iyo rasaas xooggan ayaa fiidnimadii caawa, abaare 7:00 fiidnimo, laga maqlay nawaaxiga Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo cabsi iyo argagax ku abuuray shacabka ku nool caasimadda. Dhawaqa qaraxyada iyo rasaasta oo si weyn looga maqlay degmooyin badan oo Muqdisho ka tirsan ayaa sababay in dad badan ay u maleeyaan inuu bilowday weerar...

Wasaaradda Warfaafinta Somaliland oo soo saartay amar cusub oo lagu xakamaynayo hawlaha warbaahinta

0

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ku shaacinayso tallaabooyin cusub oo lagu adkaynayo nidaamka warbaahinta iyo amniga, kaas oo warbaahinta aan ruqsada haysan ka mamnuucaya hawlaha warbaahineed. Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, Wasaaraddu waxay sheegtay inay gudanayso waajibaadkeeda dastuuriga ah isla markaana fulinayso awoodaha uu siinayo Xeerka Kala Xadaynta Nidaamka Xukuumadda iyo Hay’adaha Madaxbannaan, Xeer Lr....

Xildhibaan Saleebaan Food oo kamid ah Saaxiibada Cirro oo lagu xiray Itoobiya

0

Wararka laga helayo Magaalada Addis Ababa ee xarunta Dalka Itoobiya ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka Dalkaas ay xireen Xildhibaan Saleebaan Nuur Warsame Food oo katirsan Golaha Wakiillada Maamulka Waqooyi Galbeed. Xildhibaan Saleebaan Food oo kamid ah Xubnaha sida dhow aad ugu ololeeyay Hoggaamiyaha Maamulka  Waqooyi Galbeed, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro weli si dhab ah looma shaacin sababta loogu xiray Addis...

ICG: Dagaalka Dowladda iyo Al-Shabaab oo galay marxalad ismari waa ah

0

Warbixin cusub oo ay soo saartay Hay’adda la socodka xasaradaha caalamiga ah ee International Crisis Group (ICG) ayaa lagu sheegay in dagaalka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxda Al-Shabaab uu mar kale galay xaalad ismariwaa ah, kadib isbeddel muuqda oo ku yimid xakamaynta deegaannadii horey looga saaray kooxda sanadihii 2022 ilaa 2023. Warbixintu waxay tilmaamtay in Al-Shabaab ay dib...