Waxgaradka Nugaal oo is-afgarad ka gaaray dadaallo lagu dejinayo xiisadda Garowe
Kulan ay maalmihii la soo dhaafay magaalada Garowe ku lahaayeen qaar ka mid ah waxgaradka gobolka Nugaal ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad, iyadoo la isku raacay tallaabooyin lagu xoojinayo amniga iyo dadaallada lagu dejinayo xiisadda ka taagan magaalada. Sida laga soo xigtay ka qaybgalayaasha, wada-hadallada ayaa diiradda lagu saaray adkaynta amniga, ilaalinta midnimada Puntland iyo sidii mowqif mideysan looga yeelan...
Soomaaliya oo martigelisay shir lagu dardargelinayo hirgelinta heshiiska isu socodka ee IGAD
Soomaaliya ayaa martigelisay shir heer sare ah oo looga hadlayo hirgelinta heshiiska isu socodka xorta ah ee dalalka xubnaha ka ah Urur-Goboleedka IGAD, xilli ay dowladda federaalku dadaal ugu jirto xoojinta isdhexgalka gobolka iyo fududeynta isu socodka dadka. Shirkan oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho kana socon doona muddo saddex maalmood ah, waxaa ka qeybgalaya khubaro iyo saraakiil ka socota...
Dagaal culus oo maanta ka dhacay Degmada Jannaale ee gobolka Shabeellaha Hoose
Degmada Jannaale ee gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ka dhacay maanta weerar culus oo ay fuliyeen dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo weerarka ku bilaabay qaraxyo is xigxigay ka hor inta aysan qaadin dagaallo fool ka fool ah. Qaraxyada oo ahaa kuwo aad u xooggan ayaa laga maqlay gudaha degmada iyo deegaannada ku dhow, waxaana xigay rasaas culus oo ay is...
Safiirkii Midowga Yurub oo fariin macsalaamayn ah u reebtay shacabka Soomaaliyeed
Safiirkii Midowga Yurub u fadhiyay Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa sagootisay dalka, iyadoo uga mahadcelisay shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan dadkii taageeray howshii ay ka waday Soomaaliya. Francesca Di Mauro ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay muddadii ay ka shaqeysay Soomaaliya, iyadoo xustay kartida iyo dadaalka shacabka Soomaaliyeed. “Maadaama aan ka safrayo Soomaaliya, waxaan jeclaan lahaa inaan u mahadceliyo dhammaan intii taageertay...
43 Soomaali ah oo lagu eedeeyay burcad-badeednimo oo ka hor qirtay dambiyada lagu soo oogay maxkamad ku taalla Mumbai
Afartan iyo saddex muwaadiniin Soomaali ah oo lagu soo eedeeyay falal la xiriira burcad-badeednimo ayaa qirtay dambiyada lagu soo oogay intii ay ka hor muuqanayeen maxkamad ku taalla magaalada Mumbai ee dalka Hindiya, iyagoo sidoo kale codsaday in loo fududeeyo xukunka lagu ridi doono. Eedeysanayaashan ayaa ka mid ahaa 44 qof oo Ciidanka Badda Hindiya ay qabteen bishii Maarso 2024,...
Wadahadalo u furmaya DF iyo mucaaradka iyo Beesha Caalamka oo dhex dhexaadinaysa.
Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Talaado ah ka furmay wada-hadallo xasaasi ah oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka ku midoobay Golaha Mustaqbalka, kuwaas oo si weyn isha loogu hayo maadaama ay la xiriiraan mustaqbalka doorashooyinka dalka, khilaafka dastuurka iyo jihada kala-guurka siyaasadeed ee Soomaaliya. Kulankan oo la sheegay in aan saxaafadda loo oggolaan doonin ayaa leh weji ka...
Hassan Sheikh 𝐨𝐨 𝐚𝐦𝐧𝐢 𝐝𝐚𝐫𝐫𝐨 𝐮𝐠𝐚 𝐬𝐨𝐨 𝐜𝐚𝐫𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐁𝐚𝐲𝐝𝐡𝐚𝐛𝐨
Hassan Sheikh Mohamud ayaa dib ugu soo laabtay Muqdisho, ka dib markii uu saacado kooban ku sugnaa magaalada Baidoa, halkaas oo uu kaga qayb galay munaasabadda caleemo-saarka Sheikh Adan Mohamed Nur (Madobe). Inkasta oo markii hore la filayay in muddo ku sugnaado Baydhabo, haddana dib ayuu ugu soo laabtay Muqdisho sababo la xiriira xaaladda amniga. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay...
NISA oo Muqdisho u soo wareejisay laba nin oo lagu qabtay howlgal amni oo ka dhacay Galgaduud+Sawirro
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa sheegtay inay Muqdisho u soo wareejisay laba nin oo lagu soo qabtay howlgal amni oo ka dhacay gobolka Galgaduud, kaas oo lagu bartilmaameedsanayay hubka sharci darrada ah iyo falalka amni darrada la xiriira colaadaha beelaha. War-saxaafadeed ay soo saartay NISA ayaa lagu sheegay in labada nin oo lagu kala magacaabo Cabdi Maxamed Axmed...
Imaaraadka oo si qarsoodi ah Berbera uga dhisaya saldhig ciidan oo ay wada isticmaali doonaan Maraykanka iyo Israa’iil
Wargeyska Faransiiska ah ee Le Monde ayaa warbixin uu maanta daabacay ku sheegay in magaalada Berbera ee Somaliland laga wado dhismaha saldhig milatari oo ay si qarsoodi ah u maalgelinayso Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE), kaas oo la sheegay in ay wada isticmaali doonaan Imaaraadka, Maraykanka iyo Israa'iil. Sida warbixintu sheegtay, Garoonka Diyaaradaha Berbera ayaa tan iyo dabayaaqadii sannadkii 2025...
Dhulboob Mar kale ka soo cusboonaaday qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho
Dad shacab ah oo ku sugnaa xaafadda agagaarka Iskuulka 15 May ee Degmada Warta Nabadda, horeyna loo yiqiin Wardhiigley, ayaa la sheegay in ay rasaas ku fureen ciidamo boolis ah, kadib markii dadka deegaanka ay ka horyimaadeen jiingado lagu soo wareejiyey dhul ay sheegeen in ay sharci u haystaan. Dhacdadan ayaa timid salaaddii Maqrib kadib, xilli dadka deegaanka ay bilaabeen...









