Qiimaha Saliidda Adduunka oo kor u kacday 4%

0

Saliidda nooca loo yaqaan Brent Crude ayaa kor u kacday 4% iyada oo halkii fuusto ay gaartay $79.11 sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa laga cabsi qabaa in qiimuhu uu sare usii kaco waa haddii colaaddu sii socoto. Sababta ugu weyn waa istaagista Maraakiibta Saliiddaan qaadda ee Marinka Hormuz, Iiraan ayaa culays saartay maraakiibtaas isaga kala gudubta Marinkaan...

DFS oo sheegtay in duqayn ka dhacday Shabeelaha Dhexe lagu dilay 26 xubnood oo katirsanAl-shabaab

0

War kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgal duqayn ah oo ay iska kaashadeen midka kamid ah dalalka ka caawiya weerarrada cirka oo ka dhacday Deegaannada Cadow Jilib, Gayfo & Qoordheere ee Gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay 26 xubnood oo katirsan ‘Al-shabaab. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgalkaan uu ahaa mid si feejigan looga shaqeeyay bartilmaameedkiisa...

Maraykanka oo duqeeyey dekedo ku yaalla Iiraan, kadib markii Iiraan xidhay Marinka Hormuz

0

Xiisadda u dhaxaysa Maraykanka iyo Iiraan ayaa mar kale cirka isku shareertay, kaddib markii Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka (CENTCOM) uu ku dhawaaqay inuu qaaday wareeg saddexaad oo duqeymo ah oo xalay lagu beegsaday badhtilmaameedyo ku yaalla Iiraan, kadib markii Iiraan xidhay kadinka Hormuz. Warbaahinta dowladda Iiraan ayaa sheegtay in qaraxyo xooggan laga maqlay magaalooyinka dekedaha ah ee Bandar Abbas,...

Ciidamada ammaanka oo sheegay inay fashiliyeen weerar lagu eedeeyay Al-Shabaab

0

Ciidamada ammaanka ee magaalada Beledweyne ayaa fashiliyay weerar ay laba xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab doonayeen inay ka fuliyaan xaafadda Xaawo-taako ee magaalada Baladweyne. Saraakiil ciidan oo dowladda ka tirsan ayaa sheegay in ciidamada ay toogteen mid ka mid ah raggaasi, halka qofkii labaad lagu qabtay isagoo nool intii uu socday howlgalka. “Ciidamada ammaanka ee magaalada Beledweyne ayaa caawa ka hortegay...

Ciidamada Danab iyo Daraawiishta Jubbaland oo howlgal ka fuliyay Jubbada Hoose

0

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidamada Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka, oo kaashanaya ciidamada amniga Jubbaland, ay howlgal ka fuliyeen deegaanka Baqdaad oo u dhow degmada Badhadhe ee gobolka Jubbada Hoose. Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka wasaaradda, howlgalka ayaa lagu beegsaday fariisimo ay ku sugnaayeen dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab, iyadoo dowladda ay sheegtay in lagu dilay laba sarkaal oo sare...

Dowladda Mareykanka oo baadigoobeysa muwadin asalkiisa yahay Soomaali

0

Hay’adda dambi-baarista dalka Mareykanka ee FBI ayaa ku dhawaaqday in ay bixin doonto abaalmarin lacageed oo gaareysa illaa $150,000, taas oo la guddoonsiin doono cid kasta oo keenta xog horseedi karta in la soo qabto, lana maxkamadeeyo eedeysane magaciisa la yiraahdo Fahad Maxamed Nuur. Fahad oo ah muwaadin asalkiisu yahay Soomaal, waxaana lagu eedeynaya inuu musuq maasuqay malaayiin doolar oo...

Wada hadallada dowladda iyo mucaaradka oo mar kale maanta ka sii soconaya Muqdisho

0

Maanta waxaa mar kale la filayaa in ay magaalada Muqdisho dib uga billaawdaan wada hadallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xubnaha Mucaaradka, kuwaasi oo diiradda lagu saarayo xallinta khilaaf ka dhashay arrimaha doorashooyinka. Wada hadalladan oo soo billaawday maalintii talaadada ayaa waxaa garwadeyn ka ah Sirdoonka Turkiga ee MIT iyo Diblumaasiyiin ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalkaasi. Ilo dhinaca Amniga ah ka...

Qiimaha Shidaalka kordhay 3% kaddib markii uu dib u billowday Dagaalka Maraykanka & Iiraan

0

Qiimaha Shidaalka ayaa sare u kacay 3% kaddib markii Maraykanka & Iiraan ay is dhaafsadeen Duqaymo culus oo sababay in uu joogsado isu socodka Maraakiibta shidaalka qaadda ee 20% marta marinka Hormuz sida hadalka loo dhigay. Fuustada Shidaalka Cayriinka ah ayaa gaartay $76 oo u dhiganta (£56.88) waana qiimo ka badan lacagtii shalay la kala siinayay maadaama xasiloonadii ay isu...

Faroole: “Dowlad Sharci ah Kama Jirto Muqdisho”

0

Madaxweynihii hore ee Puntland, haatana ah Senator ka tirsan Golaha Aqalka Sare, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole, ayaa dhaliilo culus u jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud. Faroole ayaa sheegay in aanay hadda Muqdisho ka jirin dowlad sharci ah, isaga oo ku eedeeyay dowladda inay ku tuntay dastuurka dalka iyo shuruucda kale ee saldhigga u ah dowladnimada. Waxa...

Booliiska Qardho oo sheegay in ay xirayaan Dadka ka ganacsada & kuwa isticmaalla Maandooriya

0

War kasoo baxay Taliska Booliiska Magaalada Qardho ayaa lagu sheegay in gacan adag ay ku qabanayaan Dadka ka ganacsada iyo kuwa isticmaalla Walxaha Maankadooriya oo horseeday falal amni liddiga ku ah sida hadalka loo dhigay. Taliyaha qaybta Booliiska Karkaar, Gaashaanle Dhexe Bashiir Maxamed Maxamuud oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dadka qaar ee isticmaalla maandooriyaha ay rasaas ku furaan...