Khilaaf ka taagan wadaxaajoodyada sii deynta shaqaale markab oo Masriyiin ah oo lagu haysto xeebaha Soomaaliya

0

Waxaa isa soo taraya khilaafka ku saabsan sida loo maareynayo kiiska shaqaale markab oo ay ku jiraan siddeed muwaadiniin Masri ah, kuwaas oo in ka badan 70 maalmood lagu hayo markabka MT EUREKA ee ku sugan agagaarka xeebaha Puntland, iyadoo ay is khilaafsan yihiin eedeymaha loo jeedinayo milkiilaha markabka iyo baaqyada lagu dalbanayo in si taxaddar leh loo maareeyo...

Taliyihii booliiska degmada Jarriiban ee gobolka Mudug oo la dilay

0

Taliyihii saldhigga Booliiska degmada Jariiban ee gobolka Mudug ee Puntland, Guleed Kadleeye, ayaa ku geeriyooday weerar xalay ka dhacay halkaas, kaddib markii nin hubeysan uu rasaas ku furay. Mas'uuliyiinta dhinaca amniga ah ayaa u sheegay warbaahinta in taliyaha dhaawac ahaan loogu qaaday isbitaalka degmada Jariiban, balse uu markii dambe u geeriyooday dhaawicii soo gaaray. Ilaa hadda si rasmi ah looma...

Xuseen Macallin: Soomaaliya waa inay ka maarantaa ku tiirsanaanta ciidamada shisheeye ee amniga

0

La-taliyihii hore ee Amniga Qaranka Soomaaliya, Xuseen Macallin, ayaa sheegay in mustaqbalka amniga dalka uu ku xirnaan karo awoodda dowladda Soomaaliyeed ay u leedahay inay si madax-bannaan u sugto amniga, isagoo ka digay in dowladnimadu aysan ku tiirsanaan karin cid ama ciidan shisheeye. Xuseen Macallin ayaa sheegay in ciidamada iyo taageerada dibadda ay muddo dheer door ku lahaayeen sugidda amniga...

Maersk oo kordhinaysa khidmadaha xamuulka ee u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya

0

Shirkadda caalamiga ah ee maraakiibta iyo gaadiidka xamuulka ee Maersk ayaa ku dhawaaqday in ay khidmad cusub oo dheeraad ah ku soo rogi doonto xamuulka ka yimaada Turkiga ee ku wajahan Soomaaliya. Khidmadan cusub oo loo yaqaan Peak Season Surcharge (PSS) ayaa dhaqan geli doonta 28-ka Luulyo 2026, waxaana ay sii jiri doontaa ilaa shirkaddu ka soo saarto ogeysiis kale....

Soomaaliya iyo Urdun oo xoojinaya iskaashiga milatari

0

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Cammaan, halkaas oo uu kulan kula yeeshay Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Urdun, Sarreeye Guud Yuusuf Al-Xunaydi, si ay uga wada hadlaan xoojinta iskaashiga milatari ee labada dal. War ka soo baxay ciidamada qalabka sida ee Urdun ayaa lagu sheegay in kulanka lagu falanqeeyay xaaladaha...

Ugu yaraan 50 muhaajiriin ah oo lagu la’yahay doon ku degtay xeebaha Liibiya

0

Ugu yaraan 50 muhaajiriin ah, oo ay ku jiraan haween iyo carruur, ayaa la rumeysan yahay inay ku dhinteen ama lagu la'yahay badda Mediterranean-ka kaddib markii doon alwaax ah oo ay saarnaayeen ay ku degtay Talaadadii meel ka baxsan xeebaha bari ee Liibiya. Sida ay ilo amni u sheegeen Reuters, 10 qof ayaa laga soo badbaadiyay shilka, waxaana laga helay...

Xasan Sheekh oo gaarey dalka Qadar

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaarey magaalada Dooxa ee Dalka Qadar. Safarka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa ujeeddadiisu yahay inuu dowladda iyo shacabka dalka Qadar la qaybsado tacsida geerida ku timid Aabaha Amiirka dalkaas, Shiikh Al Xamad Bin Khalif Al-thani. waxaa garoonka caalamiga ah ee Xamad ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaadiidka ee dalka Qadar, Danjiraha Soomaaliya...

Hoggaamiye ka tirsan ODM oo ku baaqay in dib loo furo xadka Kenya iyo Soomaaliya

0

Hoggaamiye ka tirsan xisbiga mucaaradka ee ODM ee dalka Kenya ayaa ku baaqay in dib loo furo xadka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya, isagoo sheegay in xaaladda amni ay soo hagaagtay isla markaana ay jirto fursad lagu xoojin karo ganacsiga gobolka. Mas'uulkan, oo khudbad ka jeediyay Dhadhaab, ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Kenya, William Ruto, tallaabooyinka lagu fududeeyay helitaanka kaararka aqoonsiga...

Hay’adaha gargaarka oo ka digay khataraha El Niño ee Soomaaliya

0

Hay'adaha gargaarka bini'aadantinimada ayaa ka digaya in isbeddelka cimilada ee El Niño uu toddobaadyada iyo bilaha soo socda sare u qaadi karo halista fatahaado, abaaro, cudurro iyo kulayl daran oo saameyn ku yeesha dalal badan oo ku yaalla Bariga Afrika iyo Aasiya, Soomaaliya ayaana ka mid ah meelaha ugu nugul. Hay'adda International Rescue Committee (IRC) ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay...

Maxaa ka dhalan kara haddii Mareykanku joojiyo taageerada AUSSOM?

0

Go'aanka Mareykanka ee uu kaga soo horjeestay sii wadidda taageerada saadka ee Qaramada Midoobay siiso Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM,) ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo mustaqbalka hawlgalka iyo jihada amniga Soomaaliya. Falanqayn ay daabacday xarunta cilmi-baarista ee Amani Africa ayaa sheegaysa in haddii taageerada Qaramada Midoobay ay joogsato, ay adkaan doonto in AUSSOM ay...