AUSSOM iyo Ciidanka Xoogga Dalka oo xoojinaya iskaashiga amniga Shabeellaha Dhexe
Ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ayaa isku raacay in la xoojiyo iskaashiga dhinaca amniga ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaddib kulan ay yeesheen saraakiil sare oo labada dhinac ka socday. Kulanka ayaa ka dhacay xarunta Taliska AUSSOM ee Qaybta 5, waxaana guddoomiyay Taliyaha Qaybta 5-aad ee AUSSOM, Sareeye Guuto Michel Ndenzako, Waxaa ka qayb...
Markab lagu afduubtay Gacanka Cadmeed oo loo leexiyay biyaha Soomaaliya
Hay’adda UK Maritime Trade Operations (UKMTO) ayaa sheegtay in markab marayay dhinaca bari ee Gacanka Cadmeed la afduubtay, kadibna loo leexiyay dhanka biyaha Soomaaliya. Hay’addu waxay sheegtay in dhacdadan lagu soo wargeliyay Jimcihii, iyadoo markabku xilligaas marayay meel qiyaastii 65 mayl-badeed (120 kiiloomitir) koonfur kaga beegan magaalada Al Mukalla ee gobolka Hadramout ee dalka Yemen. Sida UKMTO ay sheegtay, kooxo aan...
England oo ka adkaatay France Final-ka Bronze-ka Koobka Adduunka
Ciyaartii kaalinta saddexaad ee Koobka Adduunka 2026 waxay u muuqatay mid si fudud ku dhammaanaysa, laakiin xaaladdu way is beddeshay qeybta labaad, taasoo keentay guul xiiso leh oo 6-4 ah oo England ka gaartay France kulankii Sabtidii ka dhacday Miami Gardens, Florida. Iyadoo tababare Didier Deschamps uu qirtay ka hor ciyaarta in Faransiisku aysan rabin inay ciyaaraan, Les Bleus waxa...
Halkee Buu marayaa Ceel shidaalka ee Turkigu ka qodayo Soomaaliya?
Soomaaliya iyo shirkadda shidaalka ee dowladda Turkiga, Turkish Petroleum (TPAO), ayaa sii wada qodista ceelka shidaalka ee Curad-1, kaas oo ku yaalla xeebaha Soomaaliya, iyadoo mas’uuliyiintu sheegeen in natiijooyinka ugu horreeya ee sahminta la filayo dhammaadka sanadka 2026. Curad-1 ayaa ku yaalla qiyaastii 372 kiiloomitir waqooyi-bari magaalada Muqdisho, waana ceelkii ugu horreeyay ee shidaal oo si rasmi ah looga qodo...
Erdoğan oo u gudbiyay Baarlamaanka codsi in lagu kordhiyo muddada ay ciidamada Turkigu ka howlgalayaan Soomaaliya
Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa u gudbiyay Baarlamaanka dalkaas codsi uu ku dalbanayo in laba sano lagu kordhiyo muddada ay ciidamada Turkigu ka howlgalayaan Soomaaliya, iyadoo lagu saleynayo heshiisyada iskaashiga difaaca ee u dhexeeya labada dal. Qoraalka codsiga oo loo gudbiyay Golaha Weyn ee Qaranka Turkiga ayaa lagu sheegay in amniga iyo xasilloonida Soomaaliya ay muhiim u yihiin nabadgelyada...
Burcad dhac geysanaysey oo lagu qabtay Dayniile{Sawirro}
Laamaha amniga ee degmada Dayniile ayaa sii xoojiyay howlgallada ka dhanka ah kooxaha burcadda ah ee ka geysta falalka dhaca iyo amni darrada, iyagoo gacanta ku dhigay lix eedeysane oo lagu tuhunsan yahay inay dhac iyo handadaad ka geysanayeen xaafado ka tirsan degmada. Sida ay sheegeen mas’uuliyiinta amniga, saddex nin oo burcad ah ayaa lagu qabtay howlgal degdeg ah oo...
Maraykanka oo loogu baaqay inuu joojiyo duqeymaha militari ee Soomaaliya
Warbixin cusub oo ay soo saartay xarunta cilmi-baarista ee Defense Priorities oo fadhigeedu yahay Washington ayaa ku doodday in sababta Maraykanku u sii wado duqeymaha iyo howlgalka militari ee Soomaaliya aysan ku saleysneyn khatar muuqata oo ka dhan ah gudaha Mareykanka, iyadoo ku baaqday in si tartiib tartiib ah loo soo afjaro faragelintaas. Warbixinta ayaa sheegtay in Al-Shabaab iyo garabka...
Xeer Ilaalinta Maamulka Waqooyi Bari oo Codsatay in Xasaanadda Laga Xayuubiyo Xildhibaan Fahiima Quuje
Xeer Ilaalinta Guud ee Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga codsatay Golaha Wakiillada in xasaanadda laga xayuubiyo xildhibaan Fahiima Yuusuf Quuje, si maxkamad loogu soo taago dacwad la xidhiidha hadalladii ay kaga dhawaaqday inay ka tanaasushay aragtidii Soomaaliweyn iyo Maamulka Waqooyi Bari. Warqad ku taariikhaysan 15-ka July 2026 oo uu saxeexay Xeer Ilaaliyaha Guud, Cabdullaahi Xirsi Cilmi,...
Puntland oo saakay xukun qisaas ah ku fulisay ninkii dilay taliyihii booliiska degmada Jarriiban
Gacan ku dhiiglihii loo haystay dilka Taliyihii saldhigga Booliiska degmada Jariiban ee gobolka Mudug, Guleed Kadleeye, ayaa saakay lagu fuliyay xukun qisaas ah, kaddib markii ay ku heshiiyeen qoyska marxuumka iyo qoyska eedeysanaha. Ninka la qisaasay oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Kooshin, ayay ciidamada ammaanku soo qabteen saacado yar kaddib dilkii taliyaha, waxaana loo gudbiyay hay'adaha garsoorka oo ku riday...
Turkiga oo Soomaaliya ka reebay barnaamijka fiisaha elektaroonigga ah
Dowladda Turkiga ayaa xaqiijisay in sagaal waddan oo Afrikaan ah oo keliya ay u qalmaan barnaamijkeeda fiisaha elektaroonigga ah (eVisa) sannadka 2026, iyadoo Soomaaliya aysan ku jirin dalalkaas, sida lagu daabacay bogga rasmiga ah ee fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga. Dalalka Afrika ee loo oggol yahay inay codsadaan fiisaha elektaroonigga ah ayaa kala ah Aljeeriya, Cape Verde, Masar, Equatorial Guinea,...









