Ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ayaa isku raacay in la xoojiyo iskaashiga dhinaca amniga ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaddib kulan ay yeesheen saraakiil sare oo labada dhinac ka socday.
Kulanka ayaa ka dhacay xarunta Taliska AUSSOM ee Qaybta 5, waxaana guddoomiyay Taliyaha Qaybta 5-aad ee AUSSOM, Sareeye Guuto Michel Ndenzako, Waxaa ka qayb galay Taliyaha Qaybta 12-ka Abriil ee Ciidanka Xoogga Dalka, Sareeye Guuto Xuseen Maxamed Osoble, Taliyaha Guutada 3-aad, Sareeye Guuto Saney Cabdulle, iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada Soomaaliya.
Labada dhinac ayaa dib u eegis ku sameeyay xaaladda amniga ee gobolka Shabeellaha Dhexe, iyagoo isku raacay tallaabooyin lagu xoojinayo wada-shaqeynta hawlgallada amniga.
Qorshayaasha lagu heshiiyay waxaa ka mid ah in la kordhiyo is-weydaarsiga xogta sirdoonka, in la joogteeyo roondooyin wadajir ah, iyo in la fuliyo sahan wadajir ah ka hor inta aan saldhig ciidan oo hore (Forward Operating Base) laga dhisin deegaanka Buurane.
Saldhigga la qorsheynayo in laga hirgeliyo Buurane ayaa la filayaa inuu xoojiyo joogitaanka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee deegaanka, isla markaana taageero dadaallada lagu sugayo amniga iyo xasilloonida gobolka sida lagu yiri war laga soo saaray shirkaasi.
Taliyaha Qaybta 12-ka Abriil, Sareeye Guuto Xuseen Maxamed Osoble, ayaa uga mahadceliyay ciidamada Burundi ee ka tirsan AUSSOM doorka ay ka qaateen taageeridda nabadda iyo amniga Soomaaliya, isagoo ammaanay dadaalkooda iyo naf-hurnimadooda.
Dhankiisa, Taliyaha Qaybta 5-aad ee AUSSOM, Sareeye Guuto Michel Ndenzako, ayaa xaqiijiyay in AUSSOM ay sii wadi doonto taageerada ay siiso hawlgallada amniga ee ay hoggaaminayaan ciidamada Soomaaliyeed, si loo dardargeliyo dadaallada lagu xasilinayo deegaannada laga xoreeyay kooxaha hubeysan.



