Dab khasaara maaliyadeed gaystay oo ka kacay Suuqa Bakaaraha
Dab khasaara maaliyadeed gaystay ayaa saakay ka kacay Suuqa Bakaaraha gaar ahaan dhinaca Cabdalla Shideeye, waxaa gudbay dukaamo lagu iibiyo qalabka elektarooniga ah iyada oo markii dambe ay goobta tageen gaadiidka dab damiska. Si dhab ah looma shaacin khasaaraha inta uu gaarsiisan yahay iyo sababta ka dambaysay dabkaas in uu kaco, waxaana lagu guullaystay in laga soosaaro agabka halkaas ku...
Xiisad colaad oo u dhaxeysa PSF & Daraawiishta Puntland oo ka taagan Gobolka Bari
Xiisad colaad oo u dhaxeysa Ciidamada gaarka u tababaran ee PSF iyo kuwa Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa ka taagan Gobolka Bari iyada oo lasoo warriyay isku dhacdo kooban oo ka dhacay qaybo kamid ah Gobolkaas. Deegaanka Laag oo ay isku qabteen ciidamada PSF iyo kuwa Daraawiishta Maamulka Puntland ayaa la sheegay in ay weli halkaas ka taagan tahay saamaynta ka...
Wasiir ku xigeenkii Waxbarashada Jubbaland oo geeriyooday
Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Waxbarashada Dowlad-Goboleedka Jubbaland, Muqtaar Kaamil ayaa ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya kaddib markii la sheegay in uu qabtay xannuun degdeg ah sida ay shaaciyeen xubno katirsan ehelkiisa. Hoggaamiyaha Maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe iyo mas’uuliyiin kale oo katirsan Maamulkaas ayaa u tacsiyeeyay ehelka Marxuum Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Waxbarashada Jubbaland, Muqtaar Kaamil. Muqtaar...
Wada-hadalladii u dhaxeeyay DF iyo mucaaradka oo fashilmay
Wada-hadalladii u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo garabyada mucaaradka ayaa maanta lagu kala kacay kadib markii dhinacyadu isku mari waayeen hannaanka doorashooyinka dalka. Wada-hadalladan oo ay beesha caalamku dhex-dhexaadinaysay ayaa maanta ka qabsoomay xayndaabka Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho. Kulanka ayaa meesha ka saaray rajadii laga qabay isku soo dhowaanshaha labada dhinac, kuwaas oo hore ugu heshiiyay mabda’a doorasho qof iyo...
Ciidamo taabacsan Dowladda Soomaaliya iyo ciidamo Puntland oo ku dagaalamay gobolka Bari
Xiisad colaadeed ayaa ka taagan deegaanka Laag ee gobolka Bari kaddib markii uu iska hor imaad halkaas ku dhexmaray ciidamo ka tirsan PSF iyo ciidamo taabacsan Daraawiishta Puntland. Xiisadda ayaa bilaabatay markii ciidamo ka tirsan PSF oo ka yimid Boosaaso kuna sii jeeday degmada Xaafuun lagu hakiyay buundo u dhow deegaanka Laag, taasoo sababtay ismari-waa iyo rasaas kooban oo labada...
Fahiima Quuje oo loogu soo dhaweeyay Magaalada Hargeysa
Xildhibaan hore Fahiima Yuusuf Cabdillaahi (Quuje) ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Hargeysa, halkaas oo ay ku qaabileen Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, xubno ka tirsan golaha wasiirrada, masuuliyiin kale oo xukuumadda ah iyo dadweyne kale. Fahiima Quuje oo hadal ka jeedisay munaasabadda soo dhaweynta ayaa sheegtay in ay si cad u go'aansatay inay dib ugu soo laabato Somaliland, iyadoo...
Fiqi: “Shariifka madaxa ayaa laga jebinayaa.”
Axmed Macalin Fiqi ayaa ku hanjabay in madaxa laga jebin doono rag uu ugu horreeyo Shariif Sheikh Axmed haddii ay isku dayaan wax u dhimidda amniga magaalada. Fiqi ayaa sheegay in aan laga yeeleyn mucaaradka oo uu Shariif ugu weyn yahay in ay magaalada qoryo u soo qaataan. Waxaa uu sheegay in ay Magaalada amaan tahay islamarkaana nabadda la wada ilaashado...
Koobka Adduunka 2026 oo noqday tartankii ay FIFA ku bixisay lacagtii ugu badnayd ee Taariikhda
Koobka Adduunka 2026 ee xalay lasoo gabagabeeyay waxa uu noqday tartankii ugu lacagta badnaa ee dhacdadaan iyada oo sannadkaan xitaa la kordhiyay xulalka ka qaybgalay oo horay u ahaan jiray 32 qaran balse laga dhigay 48 Xul. FIFA ayaa gacanta ku dhigtay ku dhawaad $13 Bilyan oo Doollar oo kasoo xarootay ilaha ay dhaqaalaha ka hesho sida xuquuqda tabinta, Internetka,...
Maraykanka oo faahfaahin cusub ka bixiyay kiiska Cabdikariim Cabdullaahi Ciidle
Dowladda Mareykanka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay kiiska Cabdikariim Cabdullaahi Ciidle, oo ka mid ah eedeysaneyaasha ugu waaweyn ee fadeexadda musuqmaasuqa ee Feeding Our Future, kadib markii 16-kii Luulyo si rasmi ah looga soo wareejiyay Soomaaliya loona geeyay gobolka Minnesota si uu u wajaho dacwadaha federaalka. Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Federaalka ee Minnesota ayaa sheegay in Ciidle, oo 42 jir...
Danab & Daraawiishta Jubbaland oo dhinac oo Al-shabaab kula dagaalamay Jubada Hoose
Ciidamo katirsan Kumaandooska Danab oo garab ka helaya Daraawiishta Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa xalay dagaal la galay xubno katirsan Al-shabaab oo ku sugnaa Gobolka Jubada Hoose. Dagaalkaan waxaa ka dhashay khasaara kala duwan oo xooggiisa gaaray dhinacyada dagaalamay, waxaana la sheegay aanay jirin xog muujinaysa waxyeello soo gaartay Dadka deegaanka. Ciidamada Kumaandooska Danab iyo kuwa Daraawiishta Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa sheegay...









