Taliyaha AUSSOM oo la kulmay ergayga Mareykanka iyada oo la isku hayo taageerada howlgalka AU

0

Madaxa Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa la kulmay madax ka tirsan safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya si ay uga wada hadlaan waajibaadka howlgalka iyo xaaladda ammaanka ee dalka. Safiirka El Hadji Ibrahima Diene, wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika iyo madaxa AUSSOM, ayaa la kulmay Davis Justin xarunta AUSSOM ee Muqdisho, sida howlgalku sheegay. AUSSOM...

Shir looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka AUSSOM oo maanta ka dhacaya Itoobiya

0

Magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya ahna Xarunta Midowga Afrika waxaa maanta ka furmaya shir looga hadlayo Mustaqbalka Ciidanka AUSSOM ee jooga Soomaaliya kaddib markii dhibaato dhinaca dhaqaalaha ah uu soo wajahay Mustaqbalka Ciidanka AUSSOM. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa warqad casumaad ah la gaarsiiyay Safaaradda ay ku leedahay Magaalada Addis Ababa si ay uga qaybgasho shirkaan oo looga hadlayo mustaqbalka...

Cabsi Amni oo ka jirta Soomaaliya Kadib ka bixitaanka Ciidamada AUSSOM

0

Dawladaha xubnaha ka ah Midowga Afrika ayss isweydiinaya inta uu qaaraddu sii wadi karto howsha nabadda ee Soomaaliya, iyadoo maalgelinta caalamiga ah ee yaraatay ay kor u qaadeyso suurtogalnimada in ciidamo horay looga saaro sidii loo qorsheeyey. Kameruun iyo Gabon waxay kula sheegeen kulan degdeg ah oo loo qabtay talo-bixiyayaasha millatariga ee Golaha Nabadda iyo Amniga ee AU in "hawl...

Puntland oo Ciidamo dheeraad ah u dirtay Magaalooyinka waaweyn Si loo xoojiyo Ammaanka

0

Dawladda federaalka Soomaaliya iyo gobolka waqooyi-bari ee Puntland ayaa u muuqda inay ku dhow yihiin isku dhacyo militari oo suuragal ah , taasoo kor u qaadaysa cabsi ah in khilaaf siyaasadeed oo muddo dheer jiray uu isu beddelo dagaal toos ah. Mas’uuliyiinta Puntland ayaa ciidamo dheeraad ah u diray magaalooyinka waaweyn isla markaana xoojiyay ammaanka ee ka baxsan Bosaso, Garoowe,...

Dhageyso:Xamse Cabdi Barre oo sheegay in macallinka dhigaya dugsiga Qur’aanka laga doonayo shahaado aqoonsi leh

0

Ra’iisul Wasaaraha xukuumada muddo xileedkeedu Dhammadaay ee Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maalintii Talaada aheed Waxaa uu sheegay in uu bilowday dib-u-habeyn lagu nidaaminayo waxbarashada Islaamiga ah, isagoo xusay in markii ugu horreysay dugsiyada Qur’aanka lagu daray nidaamka rasmiga ah ee waxbarashada dalka. Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in dugsiyada Qur’aanka loo aqoonsan doono qeyb rasmi ah oo ka tirsan...

Madaxweyne cirro oo sheegay in Sool weli uu ka tirsan yahay Somaliland

0

Madaxweynaha Somaliland Abdirahman Maxamed Cabdillaahi ayaa mar kale ku adkeeyey in gobolka Sool uu ka tirsan yahay Somaliland, isagoo ugu baaqay in bulshada Sool la soo dhoweeyo isla markaana cabashooyinka lagu xalliyo wadahadal iyo heshiis. Madaxweynaha Somaliland ayaa hadalkan ka jeediyey shalay oo Arbaca aheed dhammaadka kalfadhigii 69aad ee Golaha Wasiirrada Somaliland. Wuxuu sheegay in nabadda, midnimada iyo isku-duubnida Somaliland ay...

Dowladda Zambia oo sheegtay in ay qabatay tahriibeyaal Soomaali ah

0

Dowladda Zambia ayaa sheegtay in la qabtay toddobo ruux oo Soomaali ah, kuwaasi oo saarnaa gaari xamuul ah oo ku sii jeeday dalka Zimbabwe. Maamulka Canshuuraha dalka Zambia ayaa xaqiijiyay in ay gacanta ku dhigeen ragaan oo lagu dhexqariyay jawaanada Bariiska, iyagoo qaab tahriib ah ku socday. Maareeyaha xiriirka guud ee Maamulka Canshuuraha Zambia, Mr. Oliver Nzala, ayaa sheegay in gaarigaan...

Qaramada Midoobay oo sheegtay in ku dhawaad 3.8 milyan oo qof ay ku barakaceen gudaha Soomaaliya

0

Hay’adaha gargaarka ayaa ka digay in xaaladda bani’aadannimo ee Soomaaliya ay sii xumaan karto, iyadoo isku biirsaday dhimista maalgelinta caalamiga ah, abaaraha, colaadaha, barakaca iyo sare u kaca qiimaha maciishadda, kuwaas oo sii kordhinaya baahida ay qabaan malaayiin qof oo Soomaaliyeed. Hay’adaha ayaa sheegay in dhimista deeqihii caalamiga ahaa, gaar ahaan kuwii ay bixin jirtay Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee...

Dalalka Midowga Afrika oo ka digay in howlgalka AUSSOM uusan sii jiri karin weligiis

0

Qaar ka mid ah dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika ayaa sheegay in howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) uusan sii socon karin muddo aan xad lahayn, iyagoo ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya inay dardargeliso diyaarinta ciidamada qaranka si ay ula wareegaan mas'uuliyadda amniga dalka. Sida lagu sheegay warbixin uu daabacay The East African, dalalka Cameroon iyo...

Jubbaland oo sheegtay in ay burburisay goobo ay ku sugnaayeen Al-shabaab

0

Saraakiil katirsan Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa guullo ka sheegtay howlgal ciidanka Daraawiishta oo kaashanaya Kumaandooska Danab ay ka fuliyeen duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose. Waxa ay sheegeen in la burburiyay goobo ay ku sugnaayeen Al-shabaab oo isugu jiray saldhigyo ay ka duullaan tagaan iyo xarumo ay lacago uga qaadaan Gaadiidka Dadweynaha ee isaga kala gudba deegaanno katirsan Gobolka Jubada...