Sheekh Shariif: “Doorashada qof iyo cod magac uun bay ka tahay, dalka wuxuu ku jiraa xaalad halis ah
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay in dadka Soomaaliyeed aan weli loo diyaarin hannaan doorasho oo dhab ah oo qof iyo cod ah, isla markaana uu jiro khatar weyn oo ku saabsan amniga iyo mustaqbalka dalka. Sheekh Shariif ayaa ku dooday in doorashada ay dowladda hadda waddo ay tahay mid aan ka...
Ciidanka xoogga dalka oo howlgalo ka dhan ah Al-shabaab ka fuliyay gobolka Baay
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgalo wado nadiifin ah oo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 8-aad ee qeybta 60-aad ka sameeyeen inta u dhaxeysa magaalooyinka Buurhakaba iyo Baydhabo ee gobolka Baay. Howlgalka ayaa la sheegay in ciidamadu ku beegsadeen goobo iyo gabaadyo Al-shabaab ku laheyd deegaano dhowr ah oo u dhaxeeya Buurhakaba iyo Baydhabo oo la tilmaamay...
Trump: Ilhan Cumar waxay ka timid dal ku jira xaaladda ugu liidata adduunka
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale hadallo kulul ka jeediyay dadka tahriibayaasha Soomaaliyeed iyo xildhibaan Ilhan Omar intii uu socday kulan diiradda lagu saarayay hoos u dhigista kharashaadka nolosha ee dadka Mareykanka. Madaxweyne Trump ayaa dhowr jeer si gaar ah u bartilmaameedsaday muhaajiriinta Soomaaliyeed ee Minnesota, kadib warar sheegayay in qaar ka mid ah bulshadaasi lala xiriiriyay fadeexad musuqmaasuq...
Ganacsatadii Dalkooda aaminay oo Hadana Dhibana u ah Ciidamada Dowlada Soomaaliya
Ganacsatadii dalkooda aaminay si ay nolol maalmeedkooda ugu helaan suuqyadada kala ah Xamarweyne & Suuq-bacaad ayaa dhiban waxaana kudhawaad 10-Maalmood xiran Ganacsiyadooda Kadib Lacago Xad dhaaf ah oo Canshuur u eg oo lagu soo rogay Dadkas. Maamulka Canshuuraha Bariga ayaa canshuur ku soo rogay Ganacsatada Halka ganacsatada sheegeen in aysan awoodin una arkaan in Canshuurtaas tahay Baadil, Balse Ciidamo Dowladeed...
Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo Cambaaraysay Xadgudubyo ay sheegeen inuu ka Dhacay Degmada Wadajir
Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay si kulul u cambaarenayaan xadgudubyada isugu jira handadaad, jir-dil iyo xarig ka dhacay xaafadda Dab-dhamiska ee degmada Wadajir. "Sida ay Madashu ogaatay, shacabka deegaanka ayaa la kulmay dhibaatooyin kala duwan, iyadoo kuwo badani ku khasbanaadeen in xoog lagaga barakciyo guryahoodii taasoo curyaamisay noloshooda iyo xuquuqdooda aasaasiga ah" ayaa lagu yiri war ay soo...
Ciidanka Danab oo Howlgal ay ka fuliyeen Shabeellaha Hoose kusoo qabtay Xubno Ka Tirsan Al-shabaab
Ciidamada Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa howlgal qorshaysan oo amni ka fuliyay deegaanka Towfiiq ee hoos taga Tooratoorow ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo lagu beegsaday kooxo ka tirsan Al shabaab oo ay sheegeen in ay ku lug lahaayeen dhibaateynta bulshada deegaanka. War ay soo saartay wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya, Howlgalkan oo ay fuliyeen cutubyo ka tirsan Danab...
Baarlamaanka Puntland oo la hordhigay qaraar ku saabsan in uu Khaadka ka mamnuuco deegaannada maamulkaas
Xildhibaanno katirsan Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa soo jeediyay in la joojiyo Khaadka oo ay ku sheegeen in uu dhibaato wayn ku yahay amniga, dhaqaalaha & waxqabadka Bulshada sida ay hadalka u dhigeen. Waxa ay sheegeen in ku dhowaad nus Bilyan Doolllar in guud ahaan Soomaaliya ay uga baxdo Khaadka, Puntland ayay si gaar ah u tilmaameen in uu dhibaato...
Golaha Ammaanka oo la filayo inuu dib u cusbooneysiiyo Howlgalka AUSSOM
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa la filayaa inuu dib u cusbooneysiiyo Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ka hor inta aan mandate-kiisu dhicin dhammaadka bisha December. Sidoo kale, Golaha ayaa dib u eegi doona cusboonaysiinta cunaqabateynta 2713 ee Al-Shabaab, oo ay ku jirto qaybta xannibaadda badda, taasoo dhacaysa 13-ka December. Go’aankan ayaa sidoo kale qeyb ka ah...
Dhul-gariir ku dhuftay Japan oo sababay dhaawaca in ka badan 30 ruux
Dhul-gariir cabirkiisa lagu sheegay 7.5 Magnitude ayaa ku dhuftay Dalka Japan gaar ahaan Waqooyi bari, waxaana la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen in ka badan 30 qof, weli lama soo gudbin xog la xiriirta dhimasho. Dhulka uu saamaynta taban ku reebay dhul-gariirkaas waa 80 kiilomitir oo ay ku jirto Xeebta Gobolka Amori sida ay sheegtay Hay’adda Saadaasha Hawada ee Dalka...
Sharciga ma dadka Shacabka ah oo kaliya ayuu qabtaa Mise Saraakiisha dowlada wuu qabtaa?
Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska G/Banaadir Macalin Mahdi oo ayaa sheegay in Cid walba oo sheegto wax lid ku ah Hanaanka ay wax u wado dowlado & Shacab kasta oo qeylo dhaamiyo ama Saraakiil dowladeed sharciga la horgeyn doono. Tusaale Hadii dowlada dhulka danta-guud ay siiso shaqsiyaad iyo ganacsato oo dan guud lagu qabanin Wariyaya wuxuu xaq u leeyahay in...









