Home WARARKA Iska hor imaad u dhaxeeya ciidamad Puntland iyo burcad badeedda oo ka...

Iska hor imaad u dhaxeeya ciidamad Puntland iyo burcad badeedda oo ka dhacay Garacad

2
0

iska hor-imaad ka dhacay degaanka Garacad ee gobolka Mudug ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray xubno ka tirsan ciidamada Puntland.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in Taliyaha saldhigga degmada Jariiban, Cabdullaahi Cabdi Cilmi “Guray Dusaaye” (Booyaax), uu ku dhaawacmay iska hor-imaadka, inkastoo aan weli si rasmi ah loo faahfaahin xaaladdiisa caafimaad.

Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay geerida Marxuum Asad Carab, oo ka tirsanaa askari ka tirsan ciidanka madaxtooyafa Puntland, kaas oo ku dhintay iska hor imaadka ka dhacay degaanka Garacad.

Kooxihii burcad badeedda oo la sheegay inay iyagu lahaayeen sababta iska hor imaadkaan ayaa goobta isaga baxsaday.

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sababta rasmiga ah ee keentay iska hor-imaadka iyo khasaaraha guud ayaa weli la sugayaa, iyadoo mas’uuliyiinta amniga aysan weli ka hadlin dhacdadan.

Iska hor-imaadkaan ayaa kusoo aadaya xilli maamulka Puntland uu qorshaynayay inuu weeraro kooxaha burcad badeedda ee haysta maraakiibta ganacsi oo saddex gaaraya.

Puntland ayaa diidday in madax furasho la siiyo kooxaha burcad badeedda ee haysta, taas beddelkeedna awood loo adeegsado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here