Home WARARKA Maxaa looga hadlay shirka Golaha Wasiirrada Jubbaland?

Maxaa looga hadlay shirka Golaha Wasiirrada Jubbaland?

2
0

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta guddoomiyay shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, kaas oo looga hadlay arrimaha amniga, siyaasadda iyo badqabka bulshada.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta amniga guud ee deegaannada Jubaland iyo sidii kor loogu qaadi lahaa wada-shaqaynta laamaha amniga iyo shacabka.

Golaha Wasiiradda ayaa faray hay’adaha amniga inay tallaabo sharci ah ka qaadaan dhammaan gaadiidka aan wadan taarikada rasmiga ah ee Jubaland, isagoo adkeeyay in isticmaalka taarikada rasmiga ah ay qayb ka tahay sugidda amniga iyo nidaamka dawladnimada.

Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa falanqeeyay xaaladda guud ee siyaasadda dalka, iyadoo la isweydaarsaday aragtiyo ku aaddan horumarka socda iyo caqabadaha horyaalla hannaanka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Dhinaca kale, Madaxweynaha iyo Golaha Wasiirrada ayaa ka wada hadlay u diyaar-garowga xilliyada roobabka.

Waxaa la faray wasaaradaha iyo hay’adaha ay khuseyso inay qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo looga hortagayo masiibooyinka ka dhalan kara fatahaadaha, si loo ilaaliyo nafta iyo hantida muwaadiniinta ku nool agagaarka webiyada iyo deegaannada u nugul biyaha.

Ugu dambeyn, shirka ayaa lagu adkeeyay in adeegyada bulshada la gaarsiiyo deegaannada dhowaan laga xoreeyay kooxaha argagixisada, si dadka deegaanku ay u helaan nolosha aasaasiga ah ee ay xaqa u leeyihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here