Ku dhawaad 2 Milyan oo Xaaji oo sanadkaan u suuragashay in ay gutaan rukniga 5aad ee Tiirarka Islaamka ayaa usii qulqulaya Buurta Carafo, waxa ay halkaas ku sugnaan doonnaan ilaa gabbal-dhaca maanta iyaga oo ku ducaysanaya.
Marka la gaaro saaladda Duhur ayay isku jamcin doonnaan duhur iyo Casir, waxaa loo jedin doonnaa khudbad iyaga oo dib ugu laaban doonna Buurta, Salaadaha Maqribka iyo Cishaha ayay isku dari doonnaan kaddibna waxa ay kasoo socdaali doonnaan Buurtaas.
Maalinta Carafo waa 9ka Dul-Xijjah, waana maalin kamid ah Maalmaha ugu fadliga badan Islaamka, waxa ay ka horraysaa Ciidul-Adxaa, waxa ay Xujaydu istaagaan Buurta Carafo oo micno weyn leh maadaama Nabi Muxamed NNKH uu yiri “Xajku waa Carafo”.
Carafo waa Maalin Ilaahay uu Adoomadiisa badan ka xorrreeyo Naarta, sidoo kale waa maalinta Ducada la aqbalo, Waa maalin Dambiyada la dhaafo, waxaana Muslimiinta laga doonayaa in ay badiyaan ducada, baryada alle, aqrinta qur’aanka, Salaadaha, Sadaqada & waxyaabaha kale ee wanaagsan.



