Laba haween oo Soomaali ah ayaa ku geeriyooday dalka Qubrus kaddib markii sida Booliisku sheegay ay qaadeen mowjadaha badda ah xilli ay ku dabaalanayeen meel u dhow xeebta Oroklini.
Shilkan ayaa dhacay fiidnimadii Khamiista, kadib markii koox dad ah oo ku sugnaa xeebta ay la kulmeen dhibaato ka dhalatay hirar iyo qulqullo badeed oo xooggan, taasoo keentay in adeegyada gurmadka degdegga ah loo yeero.
Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in ugu yaraan saddex qof ay qaadeen biyuhu markii ay badda galeen. Kooxaha samatabbixinta ayaa badbaadiyay hal qof, balse laba haween ah ayaa laga soo saaray badda iyadoo markii dambe la xaqiijiyay geeridooda.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in labada qof ee geeriyootay ay ahaayeen haween Soomaali ah oo 20 jirro ah, kuwaas oo si sharci ah ugu noolaa kana shaqeynayay dalka Qubrus.
Booliska Oroklini ayaa wada baaritaan ku saabsan dhacdada, iyagoo ururinaya caddeymo iyo markhaatiyo si loo ogaado sida saxda ah ee ay musiibaddu u dhacday.



