puntland ayaa sheegtay in aan deegaannadeeda laga oggolaan karin inay ku sugnaadaan ama ka gudbaan ciidamo iyo gaadiid aan ka tirsanayn ciidamada Puntland.
Go’aanka ayaa lagu shaaciyey war-saxaafadeed ka soo baxay shirka Golaha Wasiirrada Puntland, kaas oo lagu sheegay in hay’adaha amniga la faray inay tallaabo sharci ah ka qaadaan cid kasta oo jebisa amarkan.
Puntland ayaa sheegtay in tallaabadan ay qayb ka tahay qorshayaal lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida deegaannada ay maamusho.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu celiyey mowqifka Puntland ee ah in aysan qayb ka ahayn Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, illaa laga gaarayo heshiis laga wada oggol yahay oo ku saabsan arrimaha khilaafka u dhexeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Puntland waxay sheegtay in qodobada weli la isku hayo ay ka mid yihiin hannaanka loo marayo dhismaha ciidan qaran oo ku dhisan nidaamka federaalka ee dalku ku dhisan yahay.
“Goluhu wuxuu faray dhammaan Hay’adaha Amniga iyo Caddaaladda ee Dowladda Puntland in aanay deegaannada Puntland ku sugnaan karin isla markaana uga gudbi karin gaadiid iyo ciidan aan ka tirsanayn Ciidammada Dowladda Puntland,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Go’aankan ayaa imaanaya xilli uu weli taagan yahay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka, kaas oo salka ku haya arrimo ay ka mid yihiin wax-ka-beddelka dastuurka, hannaanka doorashooyinka iyo qaabka loo dhisayo hay’adaha amniga ee dalka.
Maalmihii u dambeeyay, deegaannada Puntland waxaa ka socday dhaq-dhaqaaqyo la xiriira ciidamo hore uga tirsanaa Puntland oo ku biiray Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo ku sababeeyay tallaabadooda in aysan Puntland ka helin xuquuqdii ay sheegteen inay lahaayeen.



