Home WARARKA Maamulkii Laftagareen oo la wareegay bogga Facebook-ga Madaxtooyada kgs

Maamulkii Laftagareen oo la wareegay bogga Facebook-ga Madaxtooyada kgs

7
0

Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), oo weli ku adkeysanaya inuu yahay Madaxweynaha sharciga ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa qaaday tallaabo cusub oo sii xoojisay loollanka siyaasadeed ee ka taagan maamulkaas.

Lafta-gareen ayaa dib ula wareegay bogga rasmiga ah ee Madaxtooyada Koonfur Galbeed, isagoo ka saaray qoraalladii, sawirradii iyo muuqaalladii la xiriiray maamulka cusub ee uu hoggaamiyo Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), iyo dhammaan waxyaabihii lagu baahiyay bogga tan iyo markii isbeddelka hoggaanka uu ka dhacay magaalada Baydhaba.

Bogga rasmiga ah ee Southwest State of Somalia ayaa sidoo kale lagu daabacay farriin hambalyo ah oo uu Lafta-gareen ugu diray shacabka Soomaaliyeed munaasabadda 1-da Luulyo.

“Waxaan hambalyo u dirayaa shacabka Soomaaliyeed munaasabadda qiimaha leh ee 1-da Luulyo, maalinta xorriyadda iyo midowgii Gobollada Waqooyi iyo Koonfur ee Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka lagu baahiyay bogga.

Intaa waxaa dheer, isla bogga ayaa lagu soo bandhigay muuqaal uu duubay afhayeenka Lafta-gareen, Ugaas Xasan Cabdi Maxamed, oo ku sugan duleedka Baydhaba. Afhayeenka ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqyada ay wadaan ay sii socon doonaan ilaa ay dib ugu laabtaan magaalada Baydhaba.

“Halgankeenna barakeysan ma istaagayo, waana guuleysaneynaa. Waqtigu wuu dheeraan karaa ama wuu gaabnaan karaa, balse diyaar ayaan u nahay goor kasta iyo goob kasta,” ayuu yiri afhayeenka.

Dhacdadan ayaa muujineysa in khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay isbeddelkii hoggaanka Koonfur Galbeed uusan weli dhammaan, iyadoo labada dhinac ay weli ku loollamayaan astaamaha iyo hay’adaha maamulka.

Ilaa iyo hadda, wax war ah kama soo bixin maamulka cusub ee uu hoggaamiyo Aadan Madoobe oo ku saabsan dib ula wareegista bogga rasmiga ah ee Madaxtooyada, arrintaas oo saameyn ku yeelatay habkii warbaahinta xafiiska madaxweynuhu ula wadaagi jirtay bulshada.

Si kastaba ha ahaatee, maamulka cusub ayaa weli gacanta ku haya Telefishinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, kaas oo sii wada baahinta wararka iyo munaasabadaha rasmiga ah ee maamulka, waxaana xalay laga sii daayay xuska 66-guurada xorriyaddii Gobollada Koonfureed iyo midowgii Waqooyi iyo Koonfur oo lagu qabtay magaalada Baydhaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here