Home WARARKA Madaxweynaha Kenya oo ka hadlay dagaalkii Raaskambooni iyo wada hadallada Dowladda iyo...

Madaxweynaha Kenya oo ka hadlay dagaalkii Raaskambooni iyo wada hadallada Dowladda iyo Mucaaradka

2
0

Madaxweynaha Dalka Kenya, William Ruto ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga hadlay dagaalladii ka dhacay deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose, isagoo sheegay in Kenya ay door ka qaadatay dejinta xaaladda iyo taageeridda qaar ka mid ah ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ruto oo wareysi gaar ah siiyay France 24 ayaa faahfaahin ka bixiyay dagaalkii Raaskambooni, isagoo xusay in ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland ay ku dagaallameen meel ku dhow xadka Kenya, taas oo saameyn amni ku yeelatay dalkiisa.

“Waxaa jiray dagaal u dhaxeeyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada Jubbaland, kuwaas oo ku sugnaa xadka Kenya. Xaqiiqdii, xilligaas qaar ka mid ah ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xitaa lagu riixay gudaha Kenya, taasoo sii adkaysay xaaladdii horay uga jirtay halkaas,” ayuu yiri Ruto.

Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in dowladdiisu ay ku qasbanaatay inay taageerto qaar ka mid ah ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo dejiyo xaaladda loona yareeyo colaadda ka taagneyd halkaasi.

“Waxaan ku qasbanaannay inaan taageerno qaar ka mid ah ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, inaan daadgureyno oo caawinno, si aan u dejinno xaaladda isla markaana loo yareeyo colaadda,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Sidoo kale Ruto ayaa sheegay in Kenya, iyadoo kaashaneysa Itoobiya iyo Jabuuti, ay waddo dadaallo lagu doonayo in xal loogu helo khilaafaadka siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya.

“Annaga oo kaashaneyna Itoobiya iyo Jabuuti, waxaan isku dayeynaa in aan isku keeno dhinacyada isku haya Soomaaliya si xal loo gaaro,” ayuu yiri Madaxweynaha Kenya.

Hadalka William Ruto ayaa imanaya xilli ay socdaan wada hadallo u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka, si loo xalliyo xiisadda siyaasadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here