Home WARARKA Madaxweynaha Puntland oo soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya

Madaxweynaha Puntland oo soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya

3
0

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya oo galabta loogu soo dhaweeyay.

Saciid Deni oo ka tirsan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa magaalada Mudisho u yimid ka qayb-galka wada-hadallado cusub oo u bilaabanayo Villa Soomaalya iyo Golaha, kuwaas oo ay garwadeen ka tahay beesha caalamka.

Wararka ayaa sheegaya in shirkaas uu ka qayb-egli doono Madaxweyne Xasan Sheekh oo waqtigiisa sii dhamanaya, halka dhinaca Golaha Mustaqbalka ay metali doonaan Madaxweyne Saciid Deni, Madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekj Axmed iyo xubno kale.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa xaqiijiyay in kulanka loo qorsheeyay inuu 13-ka bishan ka dhaco xerada Xalane, isla markaana ujeedadu tahay in lagu gaaro xal waara oo la xiriira khilaafka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya labada dhinac.

Waa kulankii ugu horreeyay ee noociisa ah ee lagu qabanayo Xalane, isla markaana uu garwadeen ka yahay Mareykanka, si loo gaaro xal waara

Wadahadalladan la filayo inay bilowdaan ayaa kusoo aaday, iyada oo Axaddii uu baaqday kulankii uu horay u iclaamiyay Xasan Sheekh, kaas oo qorshuhu ahaa inuu ka dhaco Villa Somalia waxaa ka gows adeegay mucaaradka.

Soomaaliya ayaa hadda ku jirto marxalad xasaasi ah, waxaana si wey isku hayo dhinacyada siyaasadda, maadaama lagu jiro xilli adag oo kala guur ah.

lama oga sida ay wax noqon doonaan waxaa laga war sugayaa natiijada wada-hadallada u bilaabanaya dowladda iyo Golaha Mustaqbalka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here