Home WARARKA Maraakiibta ku xayiran Marinka Hormuz oo looga dhex dabbaaldegay heshiiska Maraykanka &...

Maraakiibta ku xayiran Marinka Hormuz oo looga dhex dabbaaldegay heshiiska Maraykanka & Iiraan

2
0

Maraakiibta Shidaalka wada ee ku xayiran Marinka Hormuz waxaa ku dhex dabbaaldegay Shaqaalaha saaran ee halkaas ku xayirnaa maadaama heshiis ay wadagaareen Maraykanka iyo Iiraan oo colaadda ka dhex jirta darteed u xayirmeen.

Waxa ay indhaha ku hayeen dhaqdhaqaaqyada wadahadallada oo marba dhinac loo riixayay iyada oo ugu dambayn la isku afgartay in 19ka Bishaan oo ku beegan Jimcaha qallinka ay ku duugayaan wakiillada labada dhinac waa Maraykanka & Iiraan.

Qodobada heshiiska waxaa ku xusnaa in si nabadgalyo ah dib loogu soo celiyo isu socodka Maraakiibta Marinka Hormuz maadaama Shidaalka Adduunka uu 20% halkaas uu maro waana tan keentay dabbaaldeggaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here