War kasoo baxay Safaaradda Maraykanka ee Magaalada Muqdisho ayaa looga hadlay dedaallada lagu xoojinayo dib usoo celinta wadahadalladii ay horay ugu kala tageen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mucaaradka.
Safaaradda ayaa ku biirtay Dalal & Ururro uga horreeyay baaq kan lamid ah oo Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka si ay uga wadaxaajoodaan howlaha geeddi socodka Dalka sida Doorashooyinka iyo qodobada kale ay labada dhinac isku hayaan.
Maraykanka ayaa ka digay rabshado iyo wax weliba oo xasilooni darro abuuri kara ee ka dhex dhallan kara Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka, si arrimahaas looga badbaadana loo baahan yahay in ay wadahadlaan sida hadalka loo dhigay.
“Mareykanku waxa uu saamilayda Siyaasadda Soomaaliya usoo jeedinayaa in ay is xakameeyaan kana fogaadaan tallaabo kasta oo hurin karta rabshado ama xasillooni-darro, waxaana ugu baaqaynaa Wadahadal”. Sidaasi waxaa lagu yiri war kasoo baxay Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho
Waxaa dib usoo xooggaystay dedaallada Beesha Caalamka ay ku doonayso in dib loo billaabo wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka, Maraykanka waxaa baaqaan uga horreeyay Qaramada Midoobay, Boqortooyada Ingiriiska & Midowga Yurub.



