Home WARARKA Maxaad ka taqaanaa Saraakiisha u qaabilsan Hassan Sheikh Mohamud Barakicinta & duminta...

Maxaad ka taqaanaa Saraakiisha u qaabilsan Hassan Sheikh Mohamud Barakicinta & duminta guryaha danyarta Muqdisho

2
0

Muddo afar sanno oo xiriir ah shacabka magaalada Muqdisho ayaa la dhiban barakicin lagu eedeynaayo Dowladda Federaalka Soomaaliya Xafiiska ugu yeeraayo midka ugu weyn si siman in aysan ugu garaabin laguna dhibaateynaayo dadka rayidka ah, taasi oo sii xoogeysanaysay muddooyinkii ugu dambeeyay ilaa maalmihii lasoo dhaafay.

Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo hareereheeda majirto meel badbaaday oo qeybaha bulshada danyarta ah ayaa si joogta ah ula kulmaayay hawlgallaasi si barakinta ah oo xittaa qaarkood dhacaya xilliga saqda dhexe ama saamileylkii iyadoo dadka hurdaan la duldhigo ciidan iyo sidoo kale gaadiidka wax burburiya.

Qaylo-dhaan xooggan oo aanu kala har lahayn isla markaana isdaba-joog ah ayay wadeen qeybaha bulshada laakiin majirin ka jawaabid toos ah oo Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo dadka qaar ay sheegayaan in ay xittaa ay la kulmaan jirdil, dil toos ah iyo dhibaatooyin.

Arrintaan waxaa si adag u hadlay culimadda Soomaaliyeed kuwaasi oo sheegaya inay tahay mid nasiib darro ah aamusnaanta dowladda iyo qeylo-dhaanta xiriirka ah ee bulshada ka imaanaysa.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo kamid ah culimada Soomaaliyeed isla markaana si weyn ula socda waaqica dalka ayaa arrintaan si adag u hadlay waxa uuna tilmaamay in diinta sal iyo raadna ku lahayn hab-dhaqanka Dowladda Soomaaliya oo barakicinta iyo aamusnaanta ugu horreeyaan.

Wadaadka ayaa dhinaca kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud xasuusiyay in uusan dhageysan dad uu ku tilmaamay shar wadayaal oo aan xaqiiqda u sheegaynan isla markaana uu doorbido inuu dhageysto fikirka dadka saliimka ah ee wanaagga u tabiya.

Sheekh Bashiir waxa uu tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya dadka Soomaaliyeed ee gaajada iyo haraadka iyo abaaruhu la daalla dhacaya iyo dhaqaale xumida haynin dhaqaale ay ku maareyso hase’ahaatee aanay ugu darin dhibaato kale.

Xasan Sheekh Maxamuud oo markii la dhaarinayay doorashadii 15 Maay kadib dhaartiisa ahayd inuu difaacayo dalka, dadka iyo diinta danahoodana ka shaqeynaayo ayay bulshada Soomaaliyeed isweydiinayaan dhammaan dhacdooyinkii xiriirka ahaa ee dadka rayidka lagu raafay loogu burburiyay guriyahooda sababta oo kaga aamusay muddo afar sanno oo xiriir ah iyo damqasho la’aanta inkastoo madaxda dowladda taasi cagsigeeda iyaguna ay jawaab ka dhigtaan in dadku u adeegeen.

Eedeeymo musaqmaasuq baahsan

Dhinaca kale, qaar kamid ah xubnaha mucaaradka ayaa ku eeddeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ku yimid nidaamka 4.5 inuu dano gaar ah ka leeyahay barakicinta iyo boobka dhulalka danta guud. Iyadoo muddooyinkan dambe cirka isku shareerayaan cabashooyinka bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho, iyaga oo sheegay in ay dhulboob iyo barakicin ku hayso dowlada federaalka. Maqnaanshaha hababka kormeer iyo isla xisaabtanka dowladnimo ayaa sii kordhisay dhibaatada. Dembiilayaashan waxay u dhaqmeen si aan sharciga waafaqsanayn, taas oo meesha ka saartay kalsoonidii ay shacabku ku qabeen dawladda iyo hay’addeeda.

Maxaad ka taqaanaa Saraakiisha u qaabilsan Hassan Sheikh Mohamud Barakicinta & duminta guryaha danyarta Muqdisho iyo qabiiladooda inta hada aad looyaqaano ee warbaahinta soo dhandhigto badanaa.

1- Col Macalin Mahdi, Taliyaha Qeybta guud ee Booliiska Gobolka Banaadir, (HABARGIDIR).

2- Col Ahmed Hussein Mohamed (Cirro) Hogaanka dib u dhiska Booliiska Soomaaliya, (ABGAAL)

3- Col Macalin Aadan Taliyaha Qeybta Bari ee Booliiska Gobolka Banaadir (ABGAAL).

4- Col Abdirahman Mo’allim Mohamud (Timadheere), Taliyaha Guutada 22aad ee Booliisiyo Milataare, Xasilinta Banaadir (HABARGIDIR)

5- Col Aadan Jeelle, Taliyaha Guutada 23aad ee Booliisiyo Milataare, Xasilinta Banaadir (ABGAAL)

6- Col Yaasiin Nuur Kheyre (Yaasiin Ganeey) Taliyaha Qeybta Galbeed ee Booliiska Gobolka Banaadir (HABARGIDIR).

Sida la wada ogyahay, Madaxweyne Xassan oo si hagar la’aan ah u daba jooga xaraashka dhulalka danta guud iyo bixinta qandaraasyada dowladeed ee reerkiisa, ayaa waxaa soo ifbaxaya dhaqan qallafsan oo hor leh, sida wareejinta lacagaha canshuuraha dowladda ee shirkadaha gaarka loo leeyahay ee xiriirka la leh qoyska Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud, oo ka kooban heer wasiir, dowladda hoose ee Xamar, Wasaaradda Maaliyadda, Cashuuraha Berriga, Garoonka Diyaaradaha, Dekedda Muqdisho iyo wixii ka baxsan, waxay hoosta ka xariiqday in si nidaamsan looga faa’ideysanayo tayeynta shaqsiga ah oo ay kharashkeeda ku bixineyso dowladda hoose.

Eedeymaha musuqmaasuqa ee ka dhanka ah dowladda ayaa sidoo kale ah arrin culus oo u baahan in si qotodheer loo baaro. Musuqmaasuqa wuxuu saameyn toos ah ku leeyahay horumarka dalka, maadaama uu curyaamiyo adeegyada bulshada iyo kalsoonida maalgashiga. Sida uu sheegay Paul Kagame madaxwaynaha Ruwaanda : “Musuqmaasuqu waa cadowga horumarka.” Ruwaanda waxay tusaalle u noqotay sida loola dagaallami karo musuqmaasuqa iyadoo la adeegsanayo nidaam adag oo isla xisaabtan leh.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here