Xubno ka tirsan guddiga naafada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay inay maanta kulan kula yeesheen Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, iyadoo kulanka looga hadlay xaaladda naafada ciidanka ee ku nool xerada Fiyaamo.
Xubno ka tirsan guddiga ayaa sheegay in halkii laga filayay wada-hadal iyo xal loo raadiyo xaaladdooda, ay la kulmeen hadallo ay ku tilmaameen kuwo handadaad iyo awood sheegasho ah.
Sida xogta ay guddiga naafadu bixiyeen, wafdi ka socday dadka naafada ah ayaa maanta tegay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, halkaas oo ay kula kulmeen Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka.
Guddigu wuxuu kulanka u tagay inay ka hadlaan qorshaha la sheegay in looga rarayo xerada Fiyaamo iyo xaaladda dadka naafada ah ee ciidanka oo muddo ku noolaa goobta.
Dadka naafada ah ayaa doonaya in la tixgeliyo xaaladdooda nololeed iyo caafimaad, gaar ahaan maadaama qaar badan oo kamid ah ay ku tiirsan yihiin kuraasta curyaamiinta iyo biraha ay ku socdaan.
Xubno ka tirsan guddiga oo xogta bixiyay ayaa sheegay in Wasiirka Gaashaandhigga uu kulanka ka jeediyay hadallo ay ku tilmaameen kuwo handadaad ah.
Sida ay guddigu sheegeen, Wasiir Fiqi ayaa ku adkeystay in qorshaha raritaanka xerada la fulinayo, isla markaana dadka naafada ah looga baahan yahay inay u guuraan dhismayaal kale oo loo diyaariyay.
Guddigu wuxuu soo xigtay Wasiirka oo yiri:“Ma waxaad u maleyneysaan in aad birahaan ku celin kartiin cagafta iyo ciidanka la idiin soo dirayo?”
Sida xubnaha guddigu sheegeen, Wasiirku wuxuu sidoo kale ku adkeystay in dhulka laga rarayo dadka naafada ah loo qoondeeyay qorshe kale, isla markaana aan dib looga noqon doonin go’aanka.
Waxaa la sheegay in dadka naafada ah lagu wargeliyay inay u guuraan jiingado loo diyaariyay xerada Tolmo.
“Haddii aad diiddaan cid idin baryeysa ma jirto”Sida laga soo xigtay xubnaha guddiga, Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in haddii ay diidaan inay ka guuraan xerada, aan cid ka tirsan dowladda ay ka baryeyso inay baxaan.
Guddigu wuxuu hadalladaas ku tilmaamay kuwo aan ku habboonayn sida loola macaamilo askar hore ugu soo dhaawacantay ama ugu naafowday adeegga qaranka.
Naafada ciidanka ayaa ku doodaya in dadka ku nool xerada Fiyaamo ay yihiin dad u baahan daryeel gaar ah, isla markaana aan lagu qasbi karin inay si degdeg ah uga guuraan goobta iyada oo aan la helin qorshe cad oo ku saabsan hoygooda iyo adeegyada ay u baahan yihiin.
Xubno kamid ah guddiga ayaa sheegay in kulanka aanu noqon mid labada dhinac ay si siman ugu hadleen.
Sida ay sheegeen, kadib markii ay dhageysteen hadallada Wasiirka, waxaa la dalbaday ciidamo, waxaana xubnaha guddiga lagu amray inay ka baxaan xafiiska.
Xubnaha guddiga ayaa sheegay in loo gudbiyay fariin ah in go’aanka dowladda la fulinayo, isla markaana aan la siin fursad ay si buuxda ugu soo bandhigaan cabashadooda.
Dadka ku nool xerada Fiyaamo ayaa kamid ah askarta iyo saraakiishii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee naafoobay.
Qaar badan oo kamid ah waxay u baahan yihiin kuraasta curyaamiinta, biraha lagu socdo, daawooyin iyo adeegyo caafimaad oo joogto ah.
Taasi waxay ka dhigeysaa arrinta raritaanka mid u baahan qorshe gaar ah, maadaama dadka ay khuseyso ay leeyihiin baahiyo caafimaad iyo dhaqdhaqaaq oo gaar ah.
Dhanka kale, guddiga naafada waxaa laga doonayaa inay cabashadooda ku gudbiyaan hannaan nabadeed iyo sharci ah, si arrintu aysan u dhalin iska horimaad u dhexeeya dadka naafada ah iyo ciidamada.
Kulankii maanta ee u dhexeeyay Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo guddiga naafada ciidanka ayaa kusoo dhammaaday iyadoo ay weli taagan tahay muranka ka dhashay raritaanka dadka naafada ah ee ku nool xerada Fiyaamo.



