Home WARARKA Puntland oo qabatay dagaalame u dhashay Yemen oo ka tirsanaa kooxda Daacish

Puntland oo qabatay dagaalame u dhashay Yemen oo ka tirsanaa kooxda Daacish

2
0

Afhayeenka Hawlgalka Calmiskaad, Gen. Maxamuud Jaamac Faadhigo, ayaa sheegay in ciidamada amniga Puntland ay gacanta ku dhigeen dagaalame ajaanib ah oo ka tirsan kooxda Daacish, kaas oo lagu qabtay deegaanka Af-cas ee buuraha Calmiskaad.

Gen. Faadhigo ayaa sheegay in ninka la qabtay uu qirtay inuu kasoo baxay saldhig Daacish ku leedahay deegaanka Shakaala, isagoo safar lug ah ku jiray muddo saddex maalmood ah. Wuxuu intaas ku daray in ninkaasi uu sheegay inay ahaayeen saddex xubnood oo loo diray inay soo helaan dameero cunto ahaan loogu geeyo saldhigga kooxda.

Afhayeenka howlgalka Calmiskaad wuxuu sheegay in ninka la qabtay uu u dhashay Yemen, isla markaana uu muddo ka tirsanaa dagaalamayaasha Daacish ee ka hawlgala buuraha Calmiskaad.

Waxa uu xusay in kooxda Daacish ay wajahaysay xaalad adag oo dhinaca sahayda iyo cunnada ah, taas oo ku qasabtay inay ku tiirsanaadaan dameeraha ay helaan.

Faadhigo ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Puntland iyo kuwa deegaanka ay sii wadaan howlgalka ka dhanka ah Daacish, isagoo xusay in goobihii ay ku sugnaayeen la hareereeyay isla markaana dhaqdhaqaaqyadooda si dhow loola socdo.

Wuxuu sheegay in xaaladda kooxda Daacish ee ku sugan buuraha Calmiskaad ay tahay mid sii adkaanaysa maadaama sahaydii iyo marinadii ay isticmaali jireen ay xirmeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here