Magaalada Muqdisho waxaa ka socda kulamo iska soo horjeeda oo ay kala wadaan Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka, kulamadaan intooda badan waxa ay quseeyaan Amniga & Bannaanbaxa abaabulkiisa uu socdo.
Sida ay u xaqiijiyeen warbaahinta ilo kala duwan, waxaa saacadihii lasoo dhaafay dhacay kulamo looga arrinsanayo Adkaynta Amniga waxaana ka qaybgalay mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka iyo saraakiisha hay’adaha Ammaanka.
Xubno kamid ah Mucaaradka ayaa la sheegay in ay degeen goobo kala duwan oo Caasimadda ah si ay u xoojiyaan dibadbaxa abaabulkiisa ay ku howlan yihiin waxaana xubnahaas kamid ah Shariif Sheekh Axmed & Xasan Cali Khayre.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qudheeda waxaa lagu warramayaa in ay diyaarisay ciidamo ka shaqeeya adkaynta Amniga kuwaas oo u tababaran dibadbaxyada sida horay loogu arkay Magaalada Muqdisho.
Shacabka Caasimadda ayaa dhegaha u taagaya kulamada iska soo horjeeda ee Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ay ka wadaan Magaalada Muqdisho, Dowladda ayaa doonaysa in ay baajiso bannaanbaxyadaas halka Mucaaradka uu doonayo in uu qabto isusoo baxooda.



