Home WARARKA Qaramada Midoobey oo $10 Milyan ugu deeqday Soomaaliya

Qaramada Midoobey oo $10 Milyan ugu deeqday Soomaaliya

2
0

Qaramada Midoobay ayaa shaacisay inay Soomaaliya u qoondaysay $10 milyan oo degdeg ah si looga hortago halista macluul ee sii kordheysa, xilli malaayiin qof ay wajahayaan cunto yari ba’an.

Madaxa Arrimaha Gargaarka Degdegga ah ee Qaramada Midoobay, Tom Fletcher, ayaa sheegay in lacagta laga sii daayay Sanduuqa Gurmadka Degdegga ah ee Qaramada Midoobay si loo taageero dadka ugu nugul ee ay saameeyeen abaaraha iyo cunno yarida.

“Waqtiga lagu joojin karo macluusha Soomaaliya aad ayuu u kooban yahay,” ayuu yiri Fletcher.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ku dhowaad 6 milyan oo qof ay dalka ku wajahayaan gaajo daran, halka 1.9 milyan oo ka mid ah ay ku sugan yihiin xaalado degdeg ah oo u baahan gargaar bini’aadantinimo.

Lacagtan ayaa la qorsheeyay in lagu bixiyo gargaar naf-badbaadin ah oo isugu jira cunto, nafaqo, adeegyo caafimaad iyo biyo nadiif ah, iyadoo la gaarsiin doono in ka badan 640,000 oo qof.

Hay’addu waxay xustay in xaaladdu ay sii xumaatay sababo la xiriira amni darrada cuntada, nafaqo darrada baahsan iyo adeegyada aasaasiga ah oo yaraaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here