Home WARARKA Ugaas Yuusuf oo sheegay in reer Hiiraan qaadanayaan go’aamo xasaasi ah

Ugaas Yuusuf oo sheegay in reer Hiiraan qaadanayaan go’aamo xasaasi ah

4
0

Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, oo kamid ah isimada dhaqanka Soomaaliyeed ee gobolka Hiiraan, ayaa markii ugu horreysay si faahfaahsan uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Hirshabeelle iyo mowqifka bulshada gobolka Hiiraan ee ku aaddan geeddi-socodka siyaasadeed ee maamulka.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sare u kacday xiisadda siyaasadeed ee Hirshabeelle, gaar ahaan arrimaha la xiriira doorashada maamulka iyo qorshaha Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee dib loogu soo celinayo Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.

Ugaas Yuusuf oo bulshada kula hadlay magaalada Beledweyne ayaa sheegay in isimada, waxgaradka iyo bulshada gobolka Hiiraan ay wadatashi ka yeelan doonaan xaaladda siyaasadeed ee taagan, isla markaana ay soo saari doonaan go’aamo uu ku tilmaamay kuwo xasaasi ah oo la xiriira mustaqbalka gobolka.

Ugaaska ayaa sheegay in go’aamada kasoo baxa kulamada la qorsheynayo ay u baahan doonaan in si dhab ah loo fuliyo, isaga oo ugu baaqay dadka reer Hiiraan inay diyaar u noqdaan sidii loo dhaqan gelin lahaa go’aamada ay wadajir u gaaraan.

“Waan tashanaynaa, go’aanno adag oo masiiri ahna waan qaadanaynaa,” ayuu yiri Ugaas Yuusuf, isaga oo intaas ku daray in dadka haysta hubka, dhaqaalaha iyo awoodda kale ee bulshada ay diyaar u noqdaan fulinta go’aamada kasoo baxa wadatashiyada.

Hadalkan ayaa muujinaya in isimada dhaqanka ee gobolka Hiiraan ay doonayaan inay door muuqda ka qaataan jihada siyaasadeed ee gobolka, xilli ay taagan yihiin aragtiyo kala duwan oo ku saabsan qaabka loo wajahayo doorashada Hirshabeelle.

Dhinaca kale, Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle, Yuusuf Axmed Xagar Dabageed, ayaa isaguna horey u muujiyay sida uu uga soo horjeedo qaar kamid ah qorshayaasha siyaasadeed ee hadda socda.

Dabageed ayaa qaadacay musharaxnimada Xisbiga JSP ee Hirshabeelle, isaga oo sidoo kale dhaliil ka muujiyay xilka Madaxweyne ku-xigeenka iyo sida uu sheegay in xilkaasi uusan wax weyn uga tari karin bulshada gobolka Hiiraan haddii aan la helin awood siyaasadeed oo dhab ah.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sheegay in magaca iyo xilka Hirshabeelle ay muhiim yihiin, balse ay jirto tabasho ka taagan habka loo maamulayo arrimaha gobolka.

“Calanka Hirshabeelle ayaa noo calan ah, fowdo ma rabno. Annaga waxbaan tabanaynaa, Dowladda Federaalka iyo Dowladda Hirshabeelle oo aan kamid nahay ayaan ka tabanaynaa,” ayuu yiri Yuusuf Axmed Xagar Dabageed.

Hadallada kasoo kala yeeraya Ugaas Yuusuf iyo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle ayaa kusoo beegmaya xilli ay magaalada Beledweyne ka taagan tahay dood xooggan oo ku saabsan doorashada iyo mustaqbalka siyaasadeed ee gobolka Hiiraan.

Tabashooyinka laga muujinayo geeddi-socodka siyaasadeed ee Hirshabeelle ayaa inta badan ku saabsan sida loo maamulayo doorashada, matalaadda gobolka Hiiraan iyo doorka ay bulshada deegaanka ku leedahay go’aamada siyaasadeed ee maamulka.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta iyo waxgaradka gobolka ayaa aaminsan in go’aamada waaweyn ee ku saabsan mustaqbalka Hirshabeelle aysan ku koobnaan karin dowladda federaalka iyo hoggaanka maamulka, balse ay tahay in lala tashado bulshada, isimada dhaqanka iyo siyaasiyiinta labada gobol.

Arrintan ayaa si gaar ah uga muuqata Beledweyne, halkaas oo muddooyinkii dambe laga dareemayay kala aragti duwanaansho siyaasadeed oo ku saabsan doorashada iyo habka loo wajahayo kaararka siyaasadeed.

Inkasta oo Ugaas Yuusuf uu ka hadlay go’aamo adag oo la qaadan doono, hadana waxaa muhiim ah in hadalladaasi aysan isu beddelin iska horimaad ama qalalaase siyaasadeed iyo mid amni.

Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle ayaa isaguna carrabka ku adkeeyay in aan la doonayn fowdo, taas oo muujinaysa in dhinacyada qaarkood ay doonayaan in tabashooyinka jira lagu xalliyo hab siyaasadeed.

Waxaa hadda muhiim noqonaya in dowladda federaalka, maamulka Hirshabeelle, isimada dhaqanka iyo siyaasiyiinta gobolka Hiiraan ay helaan meel ay ku wada hadlaan, si loo yareeyo xiisadda iyo kala fogaanshaha sii kordhaya.

Hirshabeelle ayaa wajahaysa marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo ay soo dhowaanayaan tallaabooyin la xiriira doorashada hoggaanka maamulka.

Go’aanka Xisbiga JSP ee ku aaddan hoggaanka Hirshabeelle iyo taageerada Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa sii kordhiyay doodda siyaasadeed, gaar ahaan gobolka Hiiraan oo ay qaar kamid ah bulshada iyo siyaasiyiintu qabaan in aan laga gudbi karin rabitaankooda iyo tabashooyinkooda.

Hadallada Ugaas Yuusuf ayaa muujinaya in isimada dhaqanka ay doonayaan inay si toos ah uga qayb qaataan go’aamada la xiriira mustaqbalka gobolka, halka mowqifka Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle uu muujinayo in gudaha hoggaanka maamulka laftiisa ay jiraan aragtiyo kala duwan.

Xaaladda ayaa sidaas darteed u baahan taxaddar siyaasadeed, wadahadal iyo is-afgarad, si khilaafka jira uusan ugu gudbin heer amni oo waxyeello u geysta shacabka.

Kulamada iyo wadatashiyada ay Ugaas Yuusuf tilmaamay ayaa la filayaa inay noqdaan kuwo muhiim u ah go’aaminta mowqifka bulshada gobolka Hiiraan, gaar ahaan haddii ay soo baxaan go’aamo cusub oo la xiriira doorashada iyo xiriirka gobolka uu la leeyahay dowladda federaalka iyo maamulka Hirshabeelle.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here