Home WARARKA Warbixin: Dhimista gargaarka caalamiga ah waxay halis ku tahay caafimaadka iyo amniga...

Warbixin: Dhimista gargaarka caalamiga ah waxay halis ku tahay caafimaadka iyo amniga Soomaaliya

8
0

Warbixin cusub oo ay soo saartay Machadka Stockholm International Peace Research Institute (SIPRI) ayaa ka digtay in dhimista gargaarka caalamiga ah ay sii wiiqeyso nidaamyada caafimaadka ee dalalka nugul, iyadoo Soomaaliya lagu tilmaamay waddamada ugu saameynta badan.

Warbixintu waxay sheegtay in hoos u dhaca maalgelinta dibadda uu khatar gelinayo adeegyada caafimaadka, la socodka cudurrada faafa iyo kalsoonida hay’adaha dowladda, arrimo lagu sheegay inay kordhin karaan nuglaanta amni iyo tan bani’aadamnimo.

Daraasadda oo diiradda saartay Soomaaliya, Mali iyo Mauritania ayaa lagu sheegay in dalalka sida weyn ugu tiirsan gargaarka dibadda ay wajahaan dhibaatooyin sii xoogeysanaya marka la yareeyo taageerada horumarinta iyo tan bani’aadamnimo.

SIPRI waxay xustay in isbeddelka mudnaanta dalalka deeq-bixiyeyaasha ee dhanka amniga iyo dhimista degdegga ah ee gargaarka ay abuuri karto khataro saameyn ku yeesha dadka, hay’adaha adeegga bixiya iyo xasilloonida guud.

Warbixintu waxay ku baaqday in la qaato istaraatiijiyad amni oo mudnaanta siisa badbaadada iyo baahiyaha dadka, isla markaana la isku xiro siyaasadaha amniga, horumarinta iyo gargaarka bani’aadamnimo si loo yareeyo halista sii kordheysa ee dalalka nugul.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here