Home WARARKA Wasiirka Caafimaadka oo Baarlamaanka looga su’aalay lacagaha isbitaallada iyo tayada adeegyada caafimaadka

Wasiirka Caafimaadka oo Baarlamaanka looga su’aalay lacagaha isbitaallada iyo tayada adeegyada caafimaadka

2
0

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr Cali Xaaji Aadan, ayaa hortagay Guddiga Arrimaha Bulshada ee Golaha Shacabka, waxaana kulanka lagu weydiiyay su’aalo la xiriira xaaladda adeegyada caafimaadka dalka iyo lacagaha laga qaado shacabka marka ay tagaan isbitaallada dowladda

Kulanka ayaa yeeshay dood kulul kadib markii wasiirka uu sheegay inuusan ka jawaabayn su’aalaha inta Universal TV uu hoolka ku sugan yahay, arrintaas oo ay ka hor yimaadeen qaar ka mid ah xildhibaannadii kulanka ka qeyb galay

Xildhibaan Cabdisamad ayaa wasiirka u sheegay inuusan awood u lahayn inuu go’aamiyo warbaahinta ka qeyb geli karta ama duubi karta kulanka Baarlamaanka, isagoo xusay Qodobka 48aad ee Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka oo uu sheegay inuu guddiga siinayo awoodda uu su’aalo ugu weydiin karo mas’uuliyiinta dowladda iyadoo kulamada ay dadweynuhu daawan karaan

Doodda ayaa sidoo kale taabatay lacagaha laga qaado dadka shacabka ah ee adeeg caafimaad u taga isbitaallada danta guud, iyadoo Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshada Nadro Saalax ay wasiirka su’aal ka weydiisay sababta lacagahaasi weli looga qaado bulshada

Arrintan ayaa noqotay mid si weyn loo hadal hayo, maadaama dowladda Federaalka ay horey u sheegtay in la doonayo in adeegyada caafimaadka darteed noqotay mid lagu doonayo in lagu ogaado halka uu marayo fulinta go’aankaas iyo sababta ay weli u bulshada loo fududeeyo, gaar ahaan dadka danyarta ah ee aan awoodin inay bixiyaan kharashaadka caafimaad ee sare

Su’aasha lacagaha isbitaallada ayaa sidoo kale la xiriirta amar hore oo uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ku sheegay in la joojiyo lacagaha bulshada looga qaado qaar ka mid ah adeegyada isbitaallada danta guud

Doodda Baarlamaanka ayaa sidaas darteed noqotay mid lagu doonayo in lagu ogaado halka uu marayo fulinta go’aankaas iyo sababta ay weli u jiraan dad sheegaya in lacag laga qaado marka ay adeeg caafimaad u raadsadaan xarumaha dowladda

Soomaaliya waxay muddo dheer la tacaalaysay caqabado caafimaad oo isugu jira xarumo caafimaad oo aan ku filnayn baahida shacabka, qalab caafimaad oo xaddinkan ayaa sabab u noqday in dad badan oo Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka awoodda dhaqaale leh, ay caafimaad u raadsadaan dalalka dibadda, halkaas oo ay u aadaan baaritaanno, qalliinno iyo adeegyo caafimaad oo aan siidan, shaqaale caafimaad oo aan ku filnayn iyo adeegyo caafimaad oo tayadoodu ku kala duwan tahay gobollada dalka

Dhibaatooyinkan ayaa sabab u noqday in dad badan oo Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka awoodda dhaqaale leh, ay caafimaad u raadsadaan dalalka dibadda, halkaas oo ay u aadaan baaritaanno, qalliinno iyo adeegyo caafimaad oo aan si fudud looga heli karin gudaha dalka

Arrinta caafimaadka dibadda loogu aado waxay sidoo kale noqotay caqabad dhaqaale, maadaama lacag badan oo ay shacabka Soomaaliyeed ku bixin lahaayeen gudaha dalka ay u baxdo xarumaha caafimaadka ee dalalka kale

Wasaaradda Caafimaadka ayaa dhankeeda wadday qorshayaal lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka, tayada daawooyinka iyo nidaamka caafimaadka dalka, hase yeeshee waxaa weli taagan su’aasha ah sida qorshayaashaas loogu beddeli karo adeeg caafimaad oo si toos ah u taabanaya shacabka

Doodda ka dhacday Baarlamaanka ayaa sidoo kale muujisay muhiimadda ay leedahay isla xisaabtanka hay’adaha dowladda, gaar ahaan marka laga hadlayo adeegyada bulshada ee muhiimka ah sida caafimaadka

Xildhibaanada ayaa doonaya in Wasaaradda Caafimaadka ay caddeyso sida loo maareeyo isbitaallada dowladda, halka ay ku baxaan dhaqaalaha loo qoondeeyo adeegyada caafimaadka iyo sabab ku saabsan Universal TV ayaa dhalisay dood gaar ah oo ku saabsan xiriirka dowladda iyo warbaahinta iyota ay bulshada weli uga cabanayso kharashaadka adeegyada caafimaad

Dhanka kale, hadalka wasiirka ee ku saabsan Universal TV ayaa dhalisay dood gaar ah oo ku saabsan xiriirka dowladda iyo warbaahinta iyo xaqa warbaahinta ay u leedahay inay tebiso kulamada hay’adaha dowladda

Kulamada Baarlamaanka iyo guddiyadiisa ayaa muhiim u ah in shacabka ay ogaadaan sida mas’uuliyiintu uga jawaabayaan su’aalaha la xiriira adeegyada ay dowladda u hayso bulshada

Kulankan ayaa kusoo dhammaaday iyadoo su’aalo badan ay weli taagan yihiin, gaar ahaan arrinta lacagaha laga qaado shacabka ee isbitaallada danta guud iyo sida loo xaqiijin karo in adeeg caafimaad oo tayo leh uu noqdo mid ay heli karaan dhammaan dadka Soomaaliyeed

Xaaladda caafimaadka dalka ayaa weli u baahan maalgelin dheeraad ah, maamul hufan iyo qorshe muddo dheer ah oo lagu dhisayo xarumo caafimaad, lagu tababarayo shaqaale iyo lagu kordhinayo qalabka caafimaadka si loo yareeyo baahida dadka Soomaaliyeed u qabaan inay caafimaad dibadda ugu safraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here