Home WARARKA Weerarro kala duwan oo xalay ka dhacay magaalada Jowhar ee caasimadda HirShabelle

Weerarro kala duwan oo xalay ka dhacay magaalada Jowhar ee caasimadda HirShabelle

2
0

Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerarro kala duwan oo xalay ka dhacay magaalada Jowhar, kuwaas oo loo adeegsaday qaraxyo jugtooda laga maqlay bartamaha magaaladan oo caasimad u ah Dowlad-goboleedka Soomaaliyeed HirShabelle.

Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay Laanta Isnaay ee xaafadda Horseed, iyada oo lala eegtay sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya , kaas oo magaciisa lagu soo koobay Haaroole, waxaana soo gaaray dhaawac.

Sidoo kale, weerarka labaad oo ahaa Bam-gacmeed ayaa isna lagu beegsaday xero ay dagan yihiin Guutada 3-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka ee uu hoggaamiyo Jeneraal Saneey Cabdulle oo ku taalla agagaarka saldhigga Jowhar, iyada oo ciidamada ay fureen rasaas kadib weerarka lagu qaaday.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka iyo rasaasta xigtay ee ay fureen ciidamada dowladda ee ku sugan xerada la beegsaday oo ay dagan yihiin military-ga Soomaaliya.

Weerar kale oo saddexaad ayaa sidoo kale lagu qaaday askari ka tirsan ciidamada ammaanka oo ku sugnaa barkoontarol oo ku taalla Jowhar, kaas oo ay dileen kooxaha hubeysan oo kadibna ka qaatay qoraygiisa.

Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga iyo mas’uuliyiinta Maamulka HirShabelle oo ku aadan dhacdooyinkaasi, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid deggan.

Ciidamada dowladda iyo kuwa HirShabelle ayaa lagu soo warramayaa in saaka ay wadaan howlgallo lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyay falalka amni darrada ah ee xalay ka dhacay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe.

Si kastaba, ha’ahaatee Jowhar ayaa dhawaan martigelin doonto doorashada guud ee HirShabelle oo haatan si weyn loogu diyaar garoobayo, iyada oo dhinacyo kala duwan ay si weyn ugu loolami doonaan, maadaama lasoo dooran doono Baarlamaan iyo Madaxweyne cusub.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here