Warar hadda soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay hub ka qaadeen ilaaladii gaarka ahayd ee Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, oo ah xoghayaha amniga ee Xisbiga Himilo Qaran, xilli uu marayay agagaarka isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho.
Sida ay tilmaamayaan ilo lagu kalsoon yahay, xildhibaanka iyo ciidankiisa ayaa la sheegay inay ku sii jeedeen hoygiisa markii ay halkaasi ku hor istaageen ciidamo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin hay’adda NISA, kuwaas oo kadib hubkii kala wareegay ilaaladii la socotay.
Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa tallaabadan, hase yeeshee dhacdadan ayaa kusoo aadeysa xilli magaalada Muqdisho ay ka jiraan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed iyo qabanqaabooyin la xiriira bannaanbaxyo la filayo inay berri ka dhacaan caasimadda.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ee ku jira Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, waxaana lagu xusuustaa inuu si joogto ah uga hadlo arrimaha amniga iyo siyaasadda dalka. Ilaa iyo hadda dowladda Federaalka si rasmi ah ugama aysan hadlin dhacdadan.



