Home WARARKA Ciidamo taabacsan maamulkii Laftagareen oo digniin u diray shacabka iyo Ciidanka DFS

Ciidamo taabacsan maamulkii Laftagareen oo digniin u diray shacabka iyo Ciidanka DFS

2
0

Taliska Ciidamada Booliiska Gaarka ah ee Koonfur Galbeed ayaa soo saaray digniin amni oo ku socota shacabka ku dhaqan magaalada Baydhabo iyo deegaannada kale ee maamulkaasi, iyagoo ka dalbaday inay ka fogaadaan goobaha loo asteeyay doorashooyinka soo socda iyo xarumaha ay ku sugan yihiin ciidamada.

War-saxaafadeedka taliska oo soo baxay maanta, kuna taariikhaysan 9-ka May 2026, ayaa lagu sheegay in tallaabadan looga golleeyahay ilaalinta badqabka shacabka, maadaama goobaha qaar loo arko meelaha ay ka dhalan karaan khataro amni.

Taliska ayaa shacabka ugu baaqay inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah, islamarkaana ay xaddidaan dhaq-dhaqaaqyada ku wajahan goobaha doorashada iyo meelaha ciidamada ku sugan yihiin ilaa amar dambe.

Digniintan ayaa kusoo aadaysa iyadoo maalinta Axadda la filayo inay si rasmi ah uga bilowdaan deegaannada maamulka Koonfur Galbeed doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo kuwa wakiillada, kuwaas oo kusoo beegmaya xilli ay taagan yihiin xiisado siyaasadeed iyo walaac laga muujinayo xaaladda amni ee gobolka.

Waxaa jira indho-indheyn xooggan oo lagu hayo sida ay doorashooyinkani u qabsoomi doonaan, iyadoo Baydhabo ay noqotay xudunta ugu weyn ee isha lagu hayo maalmaha soo socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here