Home WARARKA Xildhibaanada Xorta ah oo ka horyimid hakinta duulimaadyada Beledweyne

Xildhibaanada Xorta ah oo ka horyimid hakinta duulimaadyada Beledweyne

3
0

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya oo isku magacaabay Xildhibaanada Xorta ah ayaa cambaareeyay go’aanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Hirshabeelle ay ku hakiyeen duulimaadyadii rakaabka ee isaga kala gooshi jiray Muqdisho iyo magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Warsaxaafadeed ay soo saareen xildhibaanadan ayay ku sheegeen in aan la aqbali karin in bulshada gobolka Hiiraan laga hor istaago xuquuqda isu-socodka, iyagoo dowladda ku eedeeyay inay go’aankaasi saameyn ugu geysaneyso shacabka aan wax lug ah ku lahayn khilaafaadka ka taagan gobolka.

Xildhibaanada ayaa tixraacay Qodobka 21-aad ee Dastuurka Federaalka Soomaaliya, kaas oo dammaanad qaadaya xorriyadda isu-socodka iyo degitaanka muwaadiniinta Soomaaliyeed gudaha dalka.

Waxay sheegeen in dadka caafimaadka u safraya, ardayda, ganacsatada iyo dadka doonaya inay eheladooda booqdaan aan loo adeegsan karin cadaadis siyaasadeed, iyagoo Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ku tilmaameen madaxweyne waqtigiisu dhammaaday ugu baaqay in la ixtiraamo xuquuqda shacabka.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale dowladda ku eedeeyay inay maamulka hawada Soomaaliya u adeegsaneyso dano siyaasadeed, iyagoo tusaale u soo qaatay hakintii duulimaadyada magaalada Doolow ee gobolka Gedo oo ay sheegeen inay muddo dheer xirneyd.

Waxay intaas ku dareen in cabasho ku saabsan arrintan ay u gudbiyeen Hay’adda Duulista Rayidka ee Caalamiga ah (ICAO), si ay uga hadasho waxa ay ku tilmaameen ku takrifalka maamulka hawada Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Hirshabeelle ayaa shirkadaha diyaaradaha ku wargeliyay inay joojiyaan duulimaadyada u dhexeeya Muqdisho iyo Beledweyne muddada u dhexeysa 24-ka Nofeembar iyo 1-da Diseembar 2026.

Hakinta duulimaadyadan ayaa kusoo beegmeysa xilli ay magaalada Beledweyne ka taagan tahay xiisad amni oo la xiriirta maamulka garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif iyo iska horimaadyo horey uga dhacay agagaarkiisa.

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Hirshabeelle ayaa walaac ka muujisay xaaladda amni ee garoonka, halka xildhibaanada ay ku baaqeen in aan shacabka gobolka Hiiraan lagu dhibaateyn khilaafaadka siyaasadeed iyo amni ee ka taagan magaalada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here