Home WARARKA Dowladda Jarmalka oo shaacisay tirada Soomaalida aanay haysan sharciga wayn ee Dalkeeda

Dowladda Jarmalka oo shaacisay tirada Soomaalida aanay haysan sharciga wayn ee Dalkeeda

5
0

Dowladda Jarmalka ayaa soo bandhigtay tirakoobka ay ku samaysay Soomaalida ku nool Dalkeeda ee aanay haysan sharciga wayn ee Dalkaasi, waxa ay tilmaamtay in ay Dadkaas gaarayaan 68 kun sida bayaankeeda ay ku xustay.

Tirakoobkaan ay samaysay Dowladda waxa ay ku ogaatay sida ay gobollada ugu kala sugan yihiin Dadkaan, Ragga iyo Dumarka kuwa badan marka la eego Dadkaas sida lagu sheegay warka kasoo baxay Dowladda Jarmalka.

Xukuumadda Berlin ayaa sheegtay in aanay weli dadkaan qaadan dhalashada Labaad balse uu u socdo nidaamka ay u marayaan si ay u noqdaan Muwaadiniin, laguma soo darin dadka qadka qaatay sharciga wayn ee Dalkaas.

Jarmalka waxa uu kamid yahay Dalalka Yurub ee Ajaanibta badan martigeliyay, kuwaas oo intooda badan tagay sanado kala duwan, waxaana Soomaalida wehliya muwaadiniin kale oo Afrika iyo Bariga dhexe ka tahriibay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here