Maraykanka ayaa sheegay in uusan taageeri doonin sii socoshada maalgelinta iyo taageerada saadka ee Qaramada Midoobay ay siiso Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) wixii ka dambeeya 31-ka Diseembar 2026, isagoo sabab uga dhigay in Soomaaliya ay ku guuldareysatay inay la wareegto mas’uuliyadda amnigeeda inkastoo ay heshay taageero caalami ah oo socotay muddo ka badan toban sano.
Qoraal rasmi ah oo ay 1-da Luulyo 2026 Ergada Maraykanka u dirtay guddiga Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in Washington aysan diidmo ka qabin in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu kordhiyo waajibaadka AUSSOM, balse aysan taageeri doonin wax cusboonaysiin ah oo ay ku jirto xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOS ama nooc kasta oo taageero saadka iyo hawlgalka ah oo Qaramada Midoobay bixiso.
Maraykanka ayaa xusay inuu tan iyo 2007 ku bixiyay ku dhowaad laba bilyan oo doollar taageerada UNSOS iyo hay’addii ka horreysay, $1.6 bilyan oo kale oo gargaar laba geesood ah oo la siiyay dalalka ciidamada ku leh howlgalka, iyo boqolaal milyan oo doollar oo lagu taageeray ciidamada ammaanka Soomaaliya, marka laga soo tago gargaar bani’aadannimo iyo mid horumarineed oo ballaaran.
Si kastaba, Maraykanku wuxuu ku doodayaa in Soomaaliya aysan weli awoodin inay si buuxda ula wareegto waajibaadka amniga, isla markaana khilaafaadka siyaasadeed iyo isqabqabsiga gudaha ay sii wiiqayaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo Daacish. Sidaas darteed, Maraykanku wuxuu sheegay in taageerada caalamiga ahi ay sii ahaan doonto mid xaddidan ilaa hoggaanka Soomaaliya uu mideeyo dadaallada lagu xallinayo caqabadaha amniga iyo dowlad-dhiska.
Maraykanka ayaa ugu dambeyn ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya, dowlad-goboleedyada iyo dhammaan qaybaha bulshada inay iska kaashadaan la dagaallanka kooxaha hubeysan iyo xoojinta nabadda, iyadoo Maraykanku sheegay inuu sii wadi doono ilaalinta danihiisa amni iyo xiriirka uu la leeyahay dalalka gobolka.



