Dowladaha Soomaaliya iyo Turkey ayaa sii ballaarinaya iskaashigooda dhanka amniga, kaddib markii ay bilaabeen fulinta heshiis ciidan oo ay hore u wada galeen. Heshiiskan ayaa saldhig u ah dhismaha xarun tababar oo casri ah oo loogu talagalay ciidanka badda Soomaaliya, taas oo laga...
Wakaaladda Biyaha Hargeysa ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in qaar ka mid ah shaqaalaheeda loo xulay inay ka qaybgalaan tababar heer sare ah oo la xidhiidha culuumta iyo maareynta biyaha, kaasi oo lagu qabanayo dalka Israa’iil. Aqoonyahabkan ka socda...
Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa ka tagay Muqdisho kaddib markii ay fashilmeen wadaxaajoodyadii u dhaxeeyay madaxda mucaaradka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Saraakiisha Madaxtooyada Jubaland ayaa xaqiijiyay in Madaxweyne Axmed Madoobe iyo wafdigiisa ay ka dhoofeen Garoonka Diyaaradaha...
Xubnaha Golaha Mustaqablka Soomaaliya oo maanta shir gaar ah ku yeeshay xeyndaabka garoonka ee Xerada Xalane ayaa ku dhowaaqay inay burbureen wada-hadalladii ay kula jireen dowladda. Warsaxaafadeed ay soo saareen Golaha ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in wada-xaajoodkii soo socday maalmahan...
Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa maanta magaalada Adis Ababa kulan gaar ah kula yeeshay Wafdi sare oo ka socday dowladda Sacuudiga, kuwaasi oo uu horkacayo Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Eng. Waleed Elkhereiji. Labada...
War kasoo baxay Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa looga hadlay wadahadalka u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo xubnaha Mucaaradka, waxa ay bogaadisay hannaanka wadahadalka labada dhinac iyada oo ku boorisay in ay isu tanaasulaan. Qoraalka ayaa lagu muujiyay in wadahadalka uu...
Madaxda Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa kulamo gar gaar ah kawada Magaalada Muqdisho si ay uga arrinsadaan qodobada labada dhinac ay is hor dhigeen wadahadalkoodii shalay oo aanay jirin war rasmi ah oo kasoo baxay. Mucaaradka ayaa Dowladda...
Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in dowladdiisu ay gashay diyaar-garow milatari oo looga hortagayo burcad-badeednimada iyo argagixisada laga bilaabo cirifka Soomaaliya illaa dekedda Massawa ee Eritrea. Raysal wasaare Abiy wuxuu sheegay in tababarrada milatari oo horay uga...
Uganda ayaa si rasmi ah u sagootisay ciidamo cusub oo ka tirsan cutubka 12-aad ee ilaalada Qaramada Midooby, kuwaas oo loo dirayo Soomaaliya si ay uga qayb qaataan howlaha taageerada nabadda. Xafladda sagootinta ayaa ka dhacday Xarunta Tababarka Nabadda iyo...
Somaliland ayaa shaacisay inay diyaar u tahay inay Mareykanka la gasho heshiis la xidhiidha khayraadkeeda macdanta, isla markaana ay u oggolaato in Washington saldhigyo ciidan ku yeelato xeebaha Gacanka Cadmeed, sida uu wakaaladda wararka ee AFP u sheegay Wasiirka...