Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cali, ayaa khadka telefoonka kula hadlay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Pakistan, Senator Mohammad Ishaq Dar, iyagoo ka wada hadlay dadaallada lagu doonayo sii-deynta muwaadiniinta Pakistan ee...
Garsoore Cumar Cabduqaadir Cartan ayaa dib ugu laabtay Soomaaliya kadib markii loo diiday fursaddii uu kaga qayb geli lahaa Koobka Adduunka, iyadoo ay tani noqon lahayd markii ugu horreysay ee garsoore Soomaali ahi dhexdhexaadiyo ciyaar ka tirsan tartanka ugu...
Shirweynaha qaran ee codka haweenka Soomaaliyeed oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, ayaa ugu baaqay , Xasan Sheekh Maxamuud, inuu si degdeg ah u furo wadahadal qaran oo loo dhan yahay si xal siyaasadeed looga gaaro xaaladda cakiran ee...
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ugu yaraan hal qof uu dhintay halka 55 kalena ay ku dhaawacmeen iska horimaadyadii ka dhacay magaalada Muqdisho intii u dhexeysay 3 iyo 4 Juun 2026. Bayaan ay...
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa sheegay in dalka uu galay marxalad qalqal siyaasadeed iyo amni oo halis ku ah xasilloonida, isagoo ku eedeeyay dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inay ku guuldareysatay inay xal siyaasadeed u hesho...
Xisbiga Himilo Qaran, ayaa si adag u beeniyay eedeymo dowladda Federaalka Soomaaliya ka soo yeeray oo ku saabsan hub lagu sheegay in laga qabtay xarumaha mucaaradku deggen yihiin. Xoghayha xisbiga Himilo Qaran xildhibaan Yuusuf Gamaadiid ayaa sheegay in hubka la...
Ciidamo ka tirsan kuwa Birmadka Puntland ayaa saaka gadood ka sameeyay Taliska 54-aad ee duleedka magaalada Garoowe, halkaas oo muddooyinkii dambe uu tababar uga socday. Wararka hordhaca ah oo aan helayno ayaa sheegaya in ciidamadan ay ka cabanayaan arrimo la...
Ciidamo ka tirsan Macawiisleyda oo xalay ka baxay deegaanka Gubadley ee gobolka Banaadir ayaa  si nabad ah  waxay ay ku gaareen gobolka Shabeellaha Dhexe. ciidamadaasi ayaa dhaqaaqay kadib markii ay heleen xog la xiriirta ciidamo ka baxay magaalada muqdisho  oo...
Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur, ayaa ku eedeeyay ciidamada dowladda Federaalka inay maanta oo Sabti ah gudaha u galeen hoteelkiisa Elite ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu tilmaamay in ay  si buuxda ay ula wareegeen ciidamo...
Xeebta Liido oo ah goobta ugu ballaaran Dalka ee Kulmisa Dalxiisayaasha Gudaha iyo Dibadda ayaa xiran maalintii afaraad kaddib markii Arbacadii uu halkaas degay Madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, waxaana ka dhacay dagaallo culus iyada oo ugu...