Ciidamadii ugu badnaa ayaa lagu kordhiyay saldhig kasta oo ku yaalla degmooyinka Muqdisho, iyadoo la arkayo dhaq-dhaqaaq ciidan oo aan caadi ahayn. Meel kasta waxaa lagu arkayaa askar dheeraad ah oo lagu biiriyay kuwii horey u joogay, taasoo muujinaysa...
Cutubkii ugu horreeyay ee Ciidanka Masar ee qaybta ka noqonaya Howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa kusoo wajahan Soomaaliya sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin kala duwan oo si dhow uga warqaba howshaan lagu soo daabulayo ciidamadaan. Masar ayaa Soomaaliya usoo diraysa...
Nin asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya ayaa weerar mindi loo adeegsaday ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah magaalada London ee dalka Ingiriiska, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters. Booliska London ayaa sheegay in weerarkan uu ka dhacay...
kaddib markii uu soo shaac baxay khilaaf xooggan oo u dhexeeya Madaxtooyada Soomaaliya iyo Jeneraal Saneey Cabdulle. qodobbada xasaasiga ah ee horseeday iska hor-imaadkan, iyo cabsida sii kordheysa ee ku wajahan taariikhda 15-ka May. Saneey Cabdulle waxaa lagu xasuustaa inuu...
iska hor-imaad ka dhacay degaanka Garacad ee gobolka Mudug ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray xubno ka tirsan ciidamada Puntland. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in Taliyaha saldhigga degmada Jariiban, Cabdullaahi Cabdi Cilmi “Guray Dusaaye” (Booyaax), uu ku dhaawacmay...
Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta guddoomiyay shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, kaas oo looga hadlay arrimaha amniga, siyaasadda iyo badqabka bulshada. Shirka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta amniga guud ee deegaannada Jubaland iyo sidii kor loogu...
Duqa magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xilka kaga qaaday guddoomiyeyaashii degmooyinka Dayniile, Cumar Mohamud Mahadale, Shangaani, Safiyo Cismaan Maxamed, iyo Gubadley Cabdullaahi Nuur Maxamuud. Su’aallo iyo hadalheyn ayaa ka dhashay xil ka qaadista Mas’uuliyiintan oo bishii Decembar...
Dowladda Uganda ayaa ku dhawaaqay inay Soomaaliya usoo dirayso guutada dagaalka lambarkeedu yahay 47-aad, taas oo qeyb ka noqon doonta howlgalka nabad ilaalinta ee Midowga Afrika, kadib markii ay soo dhammaystirtay tababaro adag oo loo diyaarinayay howlgalkaan si ay...
Kulan xasaasi ah oo u dhexeeya beesha caalamka iyo xubnaha mucaaradka ku mideysan Golaha Mustaqbalka ayaa maanta ka dhacay xerada Xalane ee magaalada Muqdisho. Kulanka ayaa waxaa si fogaan-arag ah uga qeyb galay madaxda dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, oo qeyb...
Kooxda Daacish ayaa fulisay weerar qarax ah oo lala beegsaday gaari ay leedahay shirkadda isgaarsiinta ee Golis Telecom ee ka howlgasha Puntland. Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay qaraxa, oo ay ku jiraan laba ka mid ah shaqaalaha shirkadda...