Roob saacado ka da’ayay Muqdisho oo hakad weyn geliyay isu socodka gaadiidka iyo dhaqdhaqaaqa guud
Roob saacado badan ka da’ayay magaalada Muqdisho ayaa hakad weyn geliyay isu socodka gaadiidka iyo dhaqdhaqaaqa guud ee caasimadda, kadib markii waddooyin badan ay noqdeen biyo-xireenno. Waddada mashquulka badan ee KM4, gaar ahaan dhanka aadda Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, ayaa si weyn u saameysantay, iyadoo biyaha roobku ay qariyeen qeybo ka mid ah waddada iyo biraha koontaroollada, taasoo keentay in...
Mucaaradka Soomaaliya oo soo bandhigay hindise doorasho qof iyo cod ah oo ku saleysan nidaamka 4.5
Madasha mucaaradka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay hindise cusub oo doorasho oo lagu qabanayo nidaamka qof iyo cod ah oo dalka oo dhan ka dhacda, iyadoo isla markaana la ilaalinayo nidaamka awood-qaybsiga ee 4.5. Sida ku cad hindisaha, waxaa la soo jeediyay in la dhiso guddiyo doorasho oo madax-bannaan heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, kuwaas oo masuul ka noqon doona maamulka...
Taliska sare ee ciidanka Iiraan oo ku dhowaaqay inay markale si rasmi ah u xireen Marinka muhiimka ah ee Hormuz
Taliska sare ee ciidanka Iiraan ayaa ku dhowaaqay inay markale si rasmi ah u xireen Marinka muhiimka ah ee Hormuz, iyagoo ku eedeeyay Mareykanka iyo Israa’iil inay ku xad-gudbeen heshiis xabbad-joojin ah oo dhawaan la gaaray. Go’aankan ayaa yimid xilli Israa’iil ay wali sii waddo duqeymaha ay ka fulineyso koonfurta dalka Lubnaan, inkastoo heshiis xabbad-joojin ah oo dhexmaray Israa’iil iyo...
Aadan Madoobe oo wareejiyey Xilka Gudoomiyaha Barlamaanka waqtigu ka dhamaaday
Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa si rasmi ah xilka ugu wareejiyey Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, kaddib markii dhowaan loo doortay Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka ee Koonfur Galbeed. Xil wareejinta ayaa ka dhacday kulan aan caadi ahayn oo ay maanta ku yeesheen Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka xarunta...
Somaliland oo sheegtay in iskaashiga ay la yeelanayso Israa’iil aanu lahayn wax xad ah
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa sheegay in xiriirka iyo iskaashiga iyo ka millateri ee Somaliland iyo Israa’iil aanu lahayn wax xad ah, isla markaana uu gaadhi karo dhinac kasta oo ay labada dhinac u arkaan inuu dan u yahay, oo ay ku jiraan amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo iskaashiga milatari. Wareysi uu siiyay warbaahinta Israa’iil ee Ynet, wasiirku...
IMF ah oo iftiimisay khataraha ku xeeran heshiisyada shidaalka Soomaaliya
Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) ayaa Soomaaliya ugu baaqday inay xoojiso nidaamka maaliyadeed ee lagu maareeyo dakhliga shidaalka iyo gaaska, iyadoo dalka uu isu diyaarinayo kororka howlaha sahminta shidaalka ee la filayo inay billowdaan dabayaaqada sannadka 2026. Talooyinka IMF ayaa ku yimid warbixin farsamo oo ay hay’addu soo saartay, xilli ay sii kordhayaan xiisaha maalgashadayaasha caalamiga ah iyo rajada laga qabo...
Degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan oo wali kacsan iyo baaqyo laga soo saaray
Degmada Jalalaqsi gobolka Hiiraan waxaa weli ka taagan xaalad kacsanaan ah ka dib markii saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ay ka socdeen dagaallo culus oo u dhexeeya laba maleeshiyo beeleed oo ku wada sugan Gudaha Degmada Jalalaqsi. labada dhinac ayaa isku horfadhiya gudaha degmada Jalalaqsi, iyadoo mar kasta la filan karo inuu dagaal cusub qarxo, maadaama dhinacyadu ay wadaan isu-uruursi...
Al -Shabaab oo weerar ku qaaday degmada degmada Qansaxdheere
Al-Shabaab ayaa maanta oo Sabti ah weerar hoobiyeyaal ah waxay ku qaadeen saldhig ay ciidamada Itoobiya ku leeyihiin degmada Qansaxdheere, taas oo mar kale muujinaysa caqabadaha amni ee weli ka jira deegaannada koonfurta Soomaaliya. Tiro madaafiic ah ayaa lagu garaacay saldhigga ciidamada Itoobiya, kuwaas oo ku dhacay gudaha iyo hareeraha xarunta. Ilaa iyo hadda lama hayo warar rasmi ah oo...
Imtixaanka fasalka 12aad oo maanta si rasmi ah u daahfurmay
Waxaa maanta si rasmi ah u daahfurmay Imtixaanka fasalka 12aad (Dugsiga Sare) oo sanad weliba bartamihiisa ay qaaddo Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Wasaaraddu waxa ay howlgelisay Macallimiin, Howlwadeenno iyo Ciidamo katirsan kuwa Hay’adaha ammaanka oo si gaar ah loogu soo xulay in ay ilaaliyaan Dugsiyada, Jaamacadaha iyo goobaha kale ee Imtixaanka lagu qaadayo. Agaasimaha Guud ee...
Soomaaliya oo sheegtay inay mustaqbalka Xiriir la yeelan karto Israa’iil
Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Ingiriiska, Cabdiqaadir Xaashi, ayaa sheegay in Soomaaliya aanay wax khilaaf ah kala dhexayn dowladda Israa’iil ama shacabka Yuhuudda ah, isla markaana ay rajaynayso in mustaqbalka ay la yeelato xiriir diblomaasiyadeed oo rasmi ah, hase yeeshee ay si adag uga soo horjeeddo aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland. Danjire Cabdiqaadir Xaashi oo waraysi gaar ah siiyay Al...









