Israa’iil oo Somaliland ku tilmaantay “Israa’iil-iisha Afrika”

0

Madax iyo siyaasiyiin ka tirsan Israa’iil ayaa toddobaadyadii u dambeeyay si isa soo taraysa Somaliland ugu tilmaamay “Israa’iil-iisha Afrika”, iyaga oo ku sababeeyey arrimo la xidhiidha dimuqraadiyadda, amniga, iyo xaaladda juqraafiyeed ee ay ku sugan yihiin labada dhinac. Hadalka ugu dambeeyay ayaa ka soo baxay Dr. Mike Evans, oo ah madaxa Hay’adda Friends of Zion (FOZ), xilli Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan...

Dagaal Beeleed Culus oo Galay Maalintii Saddexaad oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

0

Dagaalo culus oo u dhexeeya laba beelood oo wada dega degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa galay maalintii saddexaad, iyadoo dagaalladu ay weli ka socdaan qaybo ka mid ah degmada Jalalaqsi. ugu yaraan 10 qof oo rayid iyo dhinacyada dagaallamaya isugu jira ayaa ku geeriyooday dagaalka, halka tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen. Dhinacyada Dagaalamay ayaa isku adeegsanaya hub culus,...

Laba Haween oo Soomaali ah oo ku geeriyooday xeebta Qubrus

0

Laba haween oo Soomaali ah ayaa ku geeriyooday dalka Qubrus kaddib markii sida Booliisku sheegay ay qaadeen mowjadaha badda ah xilli ay ku dabaalanayeen meel u dhow xeebta Oroklini. Shilkan ayaa dhacay fiidnimadii Khamiista, kadib markii koox dad ah oo ku sugnaa xeebta ay la kulmeen dhibaato ka dhalatay hirar iyo qulqullo badeed oo xooggan, taasoo keentay in adeegyada gurmadka...

Puntland oo degaanada ka mamnuucday ciidamada u shaqeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya

0

puntland ayaa sheegtay in aan deegaannadeeda laga oggolaan karin inay ku sugnaadaan ama ka gudbaan ciidamo iyo gaadiid aan ka tirsanayn ciidamada Puntland. Go'aanka ayaa lagu shaaciyey war-saxaafadeed ka soo baxay shirka Golaha Wasiirrada Puntland, kaas oo lagu sheegay in hay'adaha amniga la faray inay tallaabo sharci ah ka qaadaan cid kasta oo jebisa amarkan. Puntland ayaa sheegtay in tallaabadan ay...

Ciro oo Tel Aviv ka furay Madasha Ganacsiga Somaliland & Israel {Sawirro}

0

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si rasmi ah uga qayb galay daah-furka Madashii ugu horreysay ee Ganacsiga Somaliland iyo Israa’iil (Somaliland-Israel Business Forum), taas oo lagu qabtay magaalada Tel Aviv sida lagu sheegay War saxaafadeed ka soo baxay Somaliland. Madashan ganacsi ayaa waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyey Machadka Wax Dhoofinta (Institute of...

Qarax Miino Nooca dhulka lagu aaso ah oo ka dhacay Magaalada Jowhar

0

Qarax ayaa ka dhacay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hir-Shabeelle,Qaraxa ayaa ahaa miino nooca dhulka lagu aaso, kaas oo siweyn looga maqlay inta badan Xaafadaha Magaalada Jowhar. Qaraxaan ayaa ka dhacay goob ay ku dabaal-dagayeen Ardayda fasalka 8-aad oo maanta uu usoo idilaay imtixaanka shahaadiga ah. Weli sirasmi ah looma shaacin khasaaraha ka dhashay qaraxa, waxana goobta howlo baaritaano ah ka...

Qiimaha Hilibka Geela oo sare u kacay, ka dib markii lagu soo rogay canshuuro dheeraad ah

0

Suuqyada magaalada Muqdisho ayaa maanta laga waayay Hilibka Geela oo bulshada Soomaaliyeed ay si maalin leh u cunaan. Dowladda ayaa canshuuro dheeraad ah ku soo rogtay Geela xilliyada la keenayo suuqyada magaalada Muqdisho. Ganacsatada qaarkood ayaa warbaahinta waxaa ay u sheegeen in Dowladda dalbatay canshuur gaareysa $7 Dollar, iyadoo ay u sii dheertay goobo kale looga qaado canshuuraha. Arrintaan ayaa sababtay in...

Dagaal ka dhacay Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

0

Aargoosi ka biloowday jirdil loo geystay gabar u dhalatay mid kamida beelaha dega Degmada jalaqlaqsi ee Golka hiiraan ayaa sababay inuu isku badalo dagaal ka dhashay dhaawac, dhimasho iyo burbur hantiyadeed. Dagaalka oo bilowday saakay waaberigii ayaa soo gaaray xiligan walina waa la isku hor fadhiya waxaana laga yabaa in saacad walba uu markale qarxo Dagaal kale. Dagaalka oo u dhaxeeya...

Dowladda muddo dhaafka ah oo markale weerar afka ah ku qaaday siyaasiyiinta mucaaradka

0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdifitaax Qaasim Maxamuud oo wareysi gaar ah bixinaayay ayaa weerar afka ah ku qaaday siyaasiyiinta ku bahoobay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed kuwaasi oo uu ku eedeeyay in ay khalalaase la dammacsan yihiin magaaladda Muqdisho. Isagoo adeegsanaayo ereyo aad u xanaf badan ayuu Wasiirka Warfaafinta ee XFS sheegay sida uu hadalka u dhigay in siyaasiyiinta...

Qoysaska Shaqaalaha Markab lagu Haysto Xeebaha Soomaaliya oo Ka Digay Burburka Heshiis Lagu Sii Dayn Lahaa

0

Qoysaska shaqaalaha markab ay burcad-badeed ku haystaan meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya ayaa shaaciyey in xubnaha markabka ay weli ku jiraan gacanta kooxaha afduubka tan iyo 2-dii May, iyagoo muddo ka badan 45 maalmood wajahaya xaalado adag oo bani’aadannimo. Sida ay qoysasku sheegeen, shaqaalaha markabka ayaa la ildaran cunto iyo biyo yari ba’an, halka sidoo kale ay la kulmayaan culays...