Xamsa Cabdi Barre oo ku wajahan Dhuusamareeb
Xamsa Cabdi Barre ayaa ku wajahan Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad-Goboleedka Galmudug si uu ula kulmo mas’uuliyiinta Maamulkaas iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada. Xamsa Cabdi Barre waxaa Dhuusamareeb uga sii horreeya Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Mahad Maxamed Salaad oo kulamo kala duwan la qaatay madaxweyne Qoorqoor, mas’uuliyiinta Galmudug & qaybaha kala duwan ee Bulshada. Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda...
Somaliland oo amartay in ajaanibta sharci-darrada ah ay 10 cisho gudahood kaga baxaan deegaannadeeda
Somaliland ayaa ku amartay dhammaan ajaanibta sida sharci-darrada ah ku jooga deegaannadeeda inay muddo 10 cisho gudahood ah kaga baxaan, iyadoo tallaabadan ku tilmaantay mid lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida Somaliland. Wasiir-u-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, Cabdirashiid Maxamed Axmed (Magaalo), ayaa sheegay in laamaha ammaanka la faray inay si taxaddar leh u hirgeliyaan amarka la xidhiidha dadka ajanibta ah ee...
Roobab xooggan oo fatahaado ka geystay Muqdisho, gaadiidka iyo isu socodkana saameeyay
Roobab mahiigaan ah oo ka da’aya magaalada Muqdisho maalintii labaad ayaa sababay fatahaado ku baahay waddooyin waaweyn iyo xaafado badan, taas oo hakad gelisay isu socodkii gaadiidka iyo dadweynaha ee caasimadda Soomaaliya. Biyo fariistay waddooyin muhiim ah ayaa ku qasbay darawallada iyo dadka lugaynaya inay si adag ugu gudbaan goobaha ay biyuhu qariyeen, halka adeegyada gaadiidka dadweynaha ay iyaguna wajahaan...
Al -Shabaab oo canshuur ka qaadaya dadka u kala safra Balcad iyo Jowhar
Al-Shabaab ayaa xoojisay dhaqdhaqaaqyada canshuur-qaadista ee ka socda deegaannada iyo tuulooyinka ku xeeran magaalada Jowhar, xarunta dowlad-goboleedka HirShabeelle, iyadoo ka faa’iideysaneysa saameynta roobabka xilliyeed ee hakiyay isu socodkii caadiga ahaa. Roobka da’aya ayaa sababay in qaybo kamid ah waddada laamiga ah ee isku xirta Balcad iyo Jowhar ay biyo fariisad noqdaan, taasoo ku qasabtay gaadiidka ka yimaada Muqdisho una socda...
Dagaal ciidanka DF iyo kuwa Lafta-gareen ku dhex-maray Magaalada Baydhaba
Dagaal Culus ayaa ka dhacay duleedka magaalada Baydhaba, kaas oo u dhexeeyay ciidamo taabacsan Madaxweynihii hor ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) iyo kuwa dowladda ee ku sugan duleedka magaalada Baydhaba . Ciidamado daacadda u ah Lafta-gareen ayaa si kadis ah waxay u weerareen fariisin ay ciidamada dowladda ku leeyihiin bannaanka magaalada, waxaana kadib xigay iska hor imaad toos...
Kenya oo Ciidan cusub usoo diraysa Soomaaliya
Dowladda Kenya ayaa diyaarisay Ciidamo cusub oo qayb ka noqonaya howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM kuwaas oo tababar kusoo dhammaystay xero ciidan oo ku taalla Isiolo si ay u xoojiyaan ciidanka KDF ee jooga Soomaaliya tan iyo sannadkii 2011. Boqolaal askari oo katirsan ciidanka Kenya ayaa loo tababaray shaqada nabad ilaalinta kuwaas oo la filayo in ay Soomaaliya ka howlgallaan...
Mareykanka oo Shaaciyay Weerarro Cirka ah oo isdaba Joog ah oo uu ka Fuliyay Soomaaliya
Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in ciidamada Mareykanku ay afartii weerar ee ugu dambeeyay ka fuliyeen koonfurta Soomaaliya toddobaadkii la soo dhaafay, iyadoo duqeymahaasi lagu bartilmaameedsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab. Sida ay AFRICOM ku sheegtay war-saxaafadeedkeedi, weerarrada ayaa dhacay 14-kii, 16-kii, 18-kii iyo 19-kii Juun, Hay’addu ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan goobaha saxda...
AUSSOM oo lagula dardaarmay xoojinta howlgalada ka dhan ah Al Shabaab
Ciidamada Difaaca Shacabka Uganda ee ka tirsan Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), ayaa lagu boorriyay in ay ilaaliyaan isla markaana sii xoojiyaan guulaha dhinaca amniga ee laga gaaray waaxda Baraawe. Dardaarankan waxaa bixiyay Taliyaha Battle Group 45, Korneyl Justus Musenene, xilli uu booqasho ku tegay fariisimaha ciidamada ee Seaport iyo Baraawe Knoll Forward Operating Bases (FOBs),...
Xasan Sheekh Maxamuud oo safar aan hore loo shaacin ugu ambabaxay dalka Kenya
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar aan hore loo shaacin ugu ambabaxay dalka Kenya. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu halkaas kulammo kula yeesho madaxda dalkaas iyo mas’uuliyiin ka socota beesha caalamka. Wararka laga helayo ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegaya in safarkan uu diiradda saarayo arrimo la xiriira amniga, siyaasadda gudaha Soomaaliya iyo xaaladda guud ee gobolka, xilli ay jiraan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed...
Dagaal ka dhacay Duleedka Magaalada Baydhabo
Ciidamada Daraawiishta Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed oo garan ka helaya kuwa Federaalka ayaa la sheegay in ay duullaan ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen Ciidamada Laftagareen oo duleedka Magaalada Baydhabo ah. Dagaalkaan waxaa ka dhashay khasaara dhimasho iyo dhaawac inkasta oo aan la shaacin inta uu gaarsiisan yahay maadaama goobta lagu dagaalamay ay isaga guureen dadkii deegaanka ahaa ee halkaas...









