Ururrada caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha oo dalbaday sii deynta Sacdiya Moalim Cali
Hay’adaha xuquuqda aadanaha iyo ururrada haweenka ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay inay si sharci darro ah u xirtay gabadha u ololeysa arrimaha bulshada ee Sacdiya Moalim Cali, iyagoo dalbaday in si shuruud la’aan ah loo sii daayo. Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen afar urur oo caalami ah ayaa lagu sheegay in Sacdiya, oo sidoo kale loo yaqaan “Sacdiya...
Aadan Madoobe oo loo doortay Hoggaamiyaha Koofur Galbeed
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa goordhow ku guuleystay doorashadii ka dhacday magaalada Baydhabo, waxaana si rasmi ah loogu doortay Madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Aadan Madoobe ayaa tartanka doorashada galay isaga oo aan iska casilin xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka, waxaana uu la loolamay musharrax Cabdicasiis Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari),...
Qaar kamid ah saraakiisha Dowlada soomaaliya oo bilaabay inay hubkooda kala baxaan Magaalada Muqdisho
Xilli muddooyinkii ugu dambeeyay dowladda muddo xileedka uu dhammaaday ay waday hawlgallo hub uruurin ah sida ay sheegtay xaafado badan oo kamid ah magaaladda Muqdisho ay ka sameysay hawlgallo xooggan oo baraha bulshada ay kusoo bandhigaysay iyadoo saxaafadda isugu yeeraysay ee saraakiisha ciidamada xoogga ee ku sugan magaalada Muqdisho waxa ay bilaabeen inay isaga baxaan Muqdisho ayaga iyo hubkooda. Jeneraal...
Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Pakistan oo Ka Wadahadlay Sii-deynta Shaqaalaha Saaran Markabka MT Honour 25
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cali, ayaa khadka telefoonka kula hadlay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Pakistan, Senator Mohammad Ishaq Dar, iyagoo ka wada hadlay dadaallada lagu doonayo sii-deynta muwaadiniinta Pakistan ee saaran markabka MT Honour 25. Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Wasiir Cabdisalaam ayaa xaqiijiyay sida ay...
Garsoore Cumar Cabqaadir Cartan oo ku laabtay Soomaaliya kadib markii loo diiday ka qaybgalka Koobka Adduunka
Garsoore Cumar Cabduqaadir Cartan ayaa dib ugu laabtay Soomaaliya kadib markii loo diiday fursaddii uu kaga qayb geli lahaa Koobka Adduunka, iyadoo ay tani noqon lahayd markii ugu horreysay ee garsoore Soomaali ahi dhexdhexaadiyo ciyaar ka tirsan tartanka ugu weyn kubbadda cagta dunida. Cartan ayaa lagu sagootiyay garoonka diyaaradaha ee Istanbul, halkaas oo taageerayaal iyo xubno ka tirsan jaaliyadda Soomaaliyeed...
Haweenka Soomaaliyeed oo Xasan Sheekh ugu baaqay inuu wada hadal la yeesho mucaaradka
Shirweynaha qaran ee codka haweenka Soomaaliyeed oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, ayaa ugu baaqay , Xasan Sheekh Maxamuud, inuu si degdeg ah u furo wadahadal qaran oo loo dhan yahay si xal siyaasadeed looga gaaro xaaladda cakiran ee dalka. War-saxaafadeed laga soo saaray shirweynaha ayaa lagu adkeeyay in geeddi-socod kasta oo wadahadal ah ay si muuqata uga qayb qaataan...
Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo sheegtay dhaawacyo iyo dhimasho ka dhashay rabshadihii ka dhacay Muqdisho
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ugu yaraan hal qof uu dhintay halka 55 kalena ay ku dhaawacmeen iska horimaadyadii ka dhacay magaalada Muqdisho intii u dhexeysay 3 iyo 4 Juun 2026. Bayaan ay wasaaraddu soo saartay maanta oo Axada ah ayay ku sheegtay in tirada khasaaraha lagu diiwaangeliyay isbitaallada iyo xarumaha caafimaadka ee...
Farmaajo: Soomaaliya waxay gashay qalqal siyaasadeed oo halis ku ah amniga iyo midnimada ciidanka
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa sheegay in dalka uu galay marxalad qalqal siyaasadeed iyo amni oo halis ku ah xasilloonida, isagoo ku eedeeyay dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inay ku guuldareysatay inay xal siyaasadeed u hesho khilaafaadka taagan. Farmaajo ayaa sheegay in muranka siyaasadeed ee dalka uu ka gudbay heer siyaasadeed, isla markaana uu galay dhinaca amniga,...
Xisbiga Himilo Qaran oo sheegay in eedeymaha hubka ay yihiin marin-habaabin
Xisbiga Himilo Qaran, ayaa si adag u beeniyay eedeymo dowladda Federaalka Soomaaliya ka soo yeeray oo ku saabsan hub lagu sheegay in laga qabtay xarumaha mucaaradku deggen yihiin. Xoghayha xisbiga Himilo Qaran xildhibaan Yuusuf Gamaadiid ayaa sheegay in hubka la soo bandhigay laga soo ururiyay goobo kala duwan oo ay leeyihiin mas’uuliyiin dowladeed iyo siyaasiyiin kale, isagoo ku dooday in...
Ciidamo ka tirsan Birmadka Puntland oo ka cabanaya mushaar la’aan oo gadood ka sameeyay xerada 54-aad ee Garoowe
Ciidamo ka tirsan kuwa Birmadka Puntland ayaa saaka gadood ka sameeyay Taliska 54-aad ee duleedka magaalada Garoowe, halkaas oo muddooyinkii dambe uu tababar uga socday. Wararka hordhaca ah oo aan helayno ayaa sheegaya in ciidamadan ay ka cabanayaan arrimo la xiriira in xuquuqdooda la duudsiiyay. Ciidamadan ayaa dhawaan la sheegay in loo qaybiyay hub cusub oo loogu talagalay in lagu qalabaeeyo...









