Ciidamo ka tirsan Birmadka Puntland oo ka cabanaya mushaar la’aan oo gadood ka sameeyay xerada 54-aad ee Garoowe
Ciidamo ka tirsan kuwa Birmadka Puntland ayaa saaka gadood ka sameeyay Taliska 54-aad ee duleedka magaalada Garoowe, halkaas oo muddooyinkii dambe uu tababar uga socday. Wararka hordhaca ah oo aan helayno ayaa sheegaya in ciidamadan ay ka cabanayaan arrimo la xiriira in xuquuqdooda la duudsiiyay. Ciidamadan ayaa dhawaan la sheegay in loo qaybiyay hub cusub oo loogu talagalay in lagu qalabaeeyo...
Ciidamo Macawiisleyda oo gaaray Cadale iyo iska horimaad ka dhacay Duleedka Muqdisho
Ciidamo ka tirsan Macawiisleyda oo xalay ka baxay deegaanka Gubadley ee gobolka Banaadir ayaa si nabad ah waxay ay ku gaareen gobolka Shabeellaha Dhexe. ciidamadaasi ayaa dhaqaaqay kadib markii ay heleen xog la xiriirta ciidamo ka baxay magaalada muqdisho oo la sheegay inay kusoo wajahnaayeen deegaanka ay joogeen, taasoo sababtay inay u ruqaansadaan dhinaca Cadalle. Wararka ayaa intaa ku daraya in...
Cabdullaahi Maxamed Nuur oo sheegay in ay ciidamo dowladda ka socda xoog kula wareegeen hoteelkiisa Elite
Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur, ayaa ku eedeeyay ciidamada dowladda Federaalka inay maanta oo Sabti ah gudaha u galeen hoteelkiisa Elite ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu tilmaamay in ay si buuxda ay ula wareegeen ciidamo hubeysan. Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in ciidamada ay hotelka galeen abbaaro 11:30 subaxnimo, iyagoo sida hub culus iyo walxo qarxa,...
Xeebta Liido oo xiran maalintii 4-aad
Xeebta Liido oo ah goobta ugu ballaaran Dalka ee Kulmisa Dalxiisayaasha Gudaha iyo Dibadda ayaa xiran maalintii afaraad kaddib markii Arbacadii uu halkaas degay Madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, waxaana ka dhacay dagaallo culus iyada oo ugu dambayn shalay uu Shariifka kasoo tagay Degmada Cabdicasiis balse weli way xiran tahay. Ciidamada Ammaanka Dowladda Federaalka ayaa joojiyay dhaqdhaqaaqa Dadka...
Tahriibayaal ku dhintay Saxaha Niger
Ugu yaraan 50 qof ayaa ku geeriyootay saxaha Niger kaddib markii uu ka halaabay Gaarigii ay la socdeen Tahriibayaashaan oo doonayay in ay gaaraan mid kamid ah Dalalka laga tahriibo si ay doomo uga raacaan una gaaraan qaaradda Yurub oo hamigoodu ahaa. Mas’uuliyiin kala duwan oo u dhashay Dalka Niger ayaa ku warramay labo qof oo ka badbaaday dhacdadaan ay...
Turkiga ma xalin karaa Khilaafka Siyaasadeed ee Dowladda & Mucaaradka?
Dowladda Turkiga ayaa billowday dhexdhexaadinta Dowladda Federaalka iyo Xubnaha Mucaaradka iyada oo saraakiil ka socota Ankara ay la kulmeen labada dhinac si ay isugu soo dhaweeyaan dibna ugu billaabaan wadahadalladii horay ugu socday. Taliye ku xigeenka Sirdoonka Jamhuuriyadda Turkiga iyo madax kale ayaa booqday Hoyga Madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyaga oo kala hadlay qorshaha Ankara ee wadahadalka...
Mudaharaad Dad Ku Dhinteen oo ka Dhacay Degmada Sheekh ee Somaliland
Hal qof ayaa ku geeriyootay, halka qof kalena uu ku dhaawacmay mudaharaad maanta ka dhacay degmada Sheekh ee gobolka Saaxil ee Somaliland, sida ay sheegeen dadka deegaanka iyo goobjoogayaal. Mudaharaadkan ayaa ka dhashay xadhigga Suldaan Qabille oo dhawaan lagu xidhay degmada Mandheera ee gobolka Saaxil. Dadweyne ka cadhaysan xadhigga suldaanka ayaa isugu soo baxay magaalada, waxaana halkaasi ka dhacay isku...
Jubaland oo cambaareysay weerarkii lagu qaaday Xubno ka tirsan mucaaradka, kuna baaqday wada-hadal siyaasadeed
Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa si adag u cambaareysay weerarradii iyo falalkii amni ee lagu beegsaday madax hore oo ka tirsaneyd dowladda federaalka, iyadoo ku tilmaantay dhacdooyin halis ku ah xasilloonida siyaasadeed iyo geeddi-socodka dimuqraadiyadda dalka. War-saxaafadeed ay soo saartay Madaxtooyada Jubaland ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, lagu eedeeyay inuu mas’uul ka yahay tallaabooyinka ka dhanka ah...
Mareykanka iyo UK oo war ka soo saarey xaaladda Muqdisho
Dowladaha Mareykanka iyo UK oo kamid ah Saaxiibada Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa ka hadlay dagaalka saacadihii la soo dhaafay dhexmaray Ciidanka Dowladda iyo Mucaaradka. War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Mareykanka ayaa waxaa lagu baaqay in la joojiyo rabshadaha, isla markaasna labada dhinac ay isugu yimaadaan Miiska wada hadalka. “Rabshadaha ka socda Muqdisho waa kuwo masuuliyad darro ah, Hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed ee...
Garoonka Muqdisho oo Xiran, Safiiro iyo Boqolaal Rakaab ah oo Ku Go’doonsan
Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa maanta si buuxda u xiran, iyadoo xaaladda amni ee ka taagan caasimadda ay sababtay in la hakiyo duulimaadyadii qorsheysnaa iyo dhaq-dhaqaaqii garoonka. Boqolaal rakaab ah oo maanta tikidhada diyaaradaha u goostay safarro gudaha iyo dibadda ah ayaa safarradoodii baaqdeen, kadib markii la xiray waddooyinka gala garoonka iyo adeegyada la xiriira duulimaadyada. Sidoo...









