Gaadiid dagaal oo laga gubay ciidanka DF & dagaalkii oo weli socda

0

Dagaallo culus oo xalay illaa saaka waaberiga ka dhacay degmooyinka Cabdicasiis iyo Howlwadaag ayaa sababay khasaarooyin kala duwan, iyadoo la soo sheegayo in labo gaari oo nooca beebayaasha ah oo ay lahaayeen ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya lagu gubay dagaalladii ka dhacay xaafadda Mirinaayo ee degmada Cabdicasiis. Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya gaadiid dagaal oo holcaya, kuwaas oo la...

DEG DEG: Dagaal goor dhow ka qarxay qeybo ka mid ah Muqdisho

0

Dagaal culus oo la isku adeegsanayo hub kala duwan ayaa goor dhow ka qarxay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho, iyadoo rasaas xooggan iyo qaraxyo laga maqlayo degmooyinka ku dhow xarumaha muhiimka ah ee dowladda, gaar ahaan degmada Howlwadaag iyo agagaarka Isgoyska dabka. Goobjoogayaal ku sugan goobaha uu dagaalku ka socdo ayaa sheegay in rasaasta culus ay si joogto ah...

Puntland oo qabatay dagaalame u dhashay Yemen oo ka tirsanaa kooxda Daacish

0

Afhayeenka Hawlgalka Calmiskaad, Gen. Maxamuud Jaamac Faadhigo, ayaa sheegay in ciidamada amniga Puntland ay gacanta ku dhigeen dagaalame ajaanib ah oo ka tirsan kooxda Daacish, kaas oo lagu qabtay deegaanka Af-cas ee buuraha Calmiskaad. Gen. Faadhigo ayaa sheegay in ninka la qabtay uu qirtay inuu kasoo baxay saldhig Daacish ku leedahay deegaanka Shakaala, isagoo safar lug ah ku jiray muddo...

Mucaaradka oo Muqdisho kawada abaabulka Bannaanbaxa berri xilli ay dowladda dul dhigtay ciidamo

0

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda kulamo iska soo horjeeda oo ay kala wadaan Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka, kulamadaan intooda badan waxa ay quseeyaan Amniga & Bannaanbaxa abaabulkiisa uu socdo. Sida ay u xaqiijiyeen warbaahinta  ilo kala duwan, waxaa saacadihii lasoo dhaafay dhacay kulamo looga arrinsanayo Adkaynta Amniga waxaana ka qaybgalay mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka iyo saraakiisha hay’adaha Ammaanka. Xubno kamid ah...

Digniin laga bixiyay howlgalka AUSSOM oo wajahasa caqabado dhaqaale oo sii kordhaya

0

Hay’adda Cilmi-baarista Nabadda ee Stockholm (SIPRI) ayaa ka digtay in howlgalada nabad ilaalinta ee caalamiga ah oo uu ku jiro midka Soomaaliya ee AUSSOM ay wajahayaan qalalaase aan horay loo arag, kuwaas  oo ay sabab u yihiin loollanka quwadaha waaweyn, ismari-waaga siyaasadeed iyo dhaqaale yari baahsan. Warbixin cusub oo ay SIPRI soo saartay ka hor Maalinta Caalamiga ah ee Ciidamada...

Mareykanka oo raadinaya la-taliyeyaal ku takhasusay siyaasadda iyo qabaa’ilada Soomaalida

0

Taliska howlgalka gaarka ah ee Mareykanka ee Soomaaliya ayaa bilaabay inay raadiyaan khubaro la-talin ka bixiya siyaasadda, dhaqanka iyo qaab-dhismeedka qabaa’ilka Soomaaliya, sida lagu sheegay ogeysiis cusub oo dowladda Mareykanka soo saartay. Qandaraaska, oo la shaaciyay dabayaaqadii May, ayaa lagu dalbanayaa saddex la-taliye oo ka shaqeeya fahamka arrimaha siyaasadda iyo bulshada Soomaaliya, kuwaas oo sidoo kale ka qeyb qaadan doona...

Mucaaradka Jabuuti oo Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu wiiqay kalsoonida nidaamka federaalka Soomaaliya

0

Siyaasiga mucaaradka Jabuuti Alexis Mohamed Gueldon ayaa ku eedeeyay Xasan Sheekh Maxamuud, inuu wiiqay kalsoonidii nidaamka federaalka dalka, isagoo sheegay in siyaasadaha dowladda federaalka ay sii xoojiyeen khilaafaadka siyaasadeed ee Soomaaliya. Qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada ayuu Gueldon ku sheegay in wax-ka-beddellada dastuurka, murannada siyaasadeed iyo xiriirka sii xumaanaya ee dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada ay...

Maraykanka oo caddeeyay mowqifkiisa Midnimada & Wadajirka Soomaaliya

0

Warbixin ka timid Waaxda Arrimaha Dibadda Maraykanka oo loo gudbiyay Congress-ka ayaa lagu sharaxay mowqifka Dowladdaas ee Soomaaliya, waxaana markale ay Washington caddaysay in Madaxbannaanida & Wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay aqoonsan ahay. Maraykanka ayaa sheegay in uu xiriir iyo la shaqayn la wadaago Maamulka Waqooyi Galbeed balse had iyo jeer uu uga dambeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya isla markaana uu...

Masar iyo AUSSOM oo ka wada hadlay amniga Soomaaliya iyo xoojinta iskaashiga gobolka

0

Ergayga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ahna Madaxa Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), El Hadji Ibrahima Diene, ayaa maanta xarunta AUSSOM ee Muqdisho ku qaabilay Safiirka Masar u fadhiya Soomaaliya, Maxamed Salaax Keshtah. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Soomaaliya, isbeddellada ka socda gobolka iyo muhiimadda ay leedahay sii wadidda...

Maraykanka oo Dowladda Federaalka & Mucaaradka ugu baaqay in ay dib ugu laabtaan wadahadalkii u socday

0

War kasoo baxay Safaaradda Maraykanka ee Magaalada Muqdisho ayaa looga hadlay dedaallada lagu xoojinayo dib usoo celinta wadahadalladii ay horay ugu kala tageen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mucaaradka. Safaaradda ayaa ku biirtay Dalal & Ururro uga horreeyay baaq kan lamid ah oo Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka si ay uga wadaxaajoodaan howlaha geeddi socodka Dalka sida Doorashooyinka iyo qodobada kale ay...