Roobab mahiigaan ah iyo daadad xooggan oo hakiyay isu socodka Boosaaso iyo Qardho
Ciidanka Booliiska Puntland ayaa soo saaray digniin ku saabsan khataraha ka dhasha safarka waddooyinka waaweyn xilligan oo ay da’ayaan roobabka Gu’ga, iyagoo shacabka ugu baaqay inay muujiyaan taxaddar dheeraad ah marka ay marayaan togagga, biyo-mareennada iyo buundooyinka ay biyuhu ku fataheen. Digniinta ayaa ku soo beegantay xilli roobab mahiigaan ah ay ka da’een gobollada Bari, Karkaar iyo Haylaan, kuwaas oo...
Weerarro kala duwan oo xalay ka dhacay magaalada Jowhar ee caasimadda HirShabelle
Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerarro kala duwan oo xalay ka dhacay magaalada Jowhar, kuwaas oo loo adeegsaday qaraxyo jugtooda laga maqlay bartamaha magaaladan oo caasimad u ah Dowlad-goboleedka Soomaaliyeed HirShabelle. Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay Laanta Isnaay ee xaafadda Horseed, iyada oo lala eegtay sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya , kaas oo magaciisa lagu soo koobay Haaroole,...
Askari katirsan ciidanka Puntland oo Gobolka Nugaal ku dhaawacay Arday Imtixaan u fadhisay
Saddex Arday ayaa ku dhaawacantay rasaas uu furay Askari katirsan ciidamada ammaanka Dowlad-Goboleedka Puntland oo ilaalinayay Arday galaysay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Maamulkaas oo lagu qaadayay Iskuul ku yaalla Degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal. Ardayda dhaawaca soo gaaray ayaa loo qaaday mid kamid ah Goobaha Caafimaadka si looga daweeyo, waxaana warar is khilaafsan uu kasoo baxayaa sababta keentay in Askarigaas...
Itoobiya oo maanta ka dhacaysa doorashadii ugu liidatay dalkaas tan iyo 1991dii
Dalka Itoobiya oo dadkeedu yahay 139 Milyan waxa ay maanta u tahay maalin doorasho balse uga duwan doorashooyinkii dalkaas soo maray tan iyo markii uu meesha ka baxay nidaamkii boqortooyada waa sanadkii 1991dii. Sababta keentay in doorashadu ay aad u liidato waa colaadda sokeeye ee dalkaas oo saamayn taban ku reebtay amniga iyo in lasii ogyahay inuu Abiy Ahmed ku...
Ciidamada ammaanka Guriceel oo qabtay eedeysane lagu tuhunsan yahay dil ka dhacay deegaanka IliX
Ciidamada Booliska degmada Guriceel, oo kaashanaya qeybaha kale ee Ciidamada Qalabka Sida sida Nabadsugidda iyo Milatariga, ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane lagu magacaabo Cali Cabdi Jaamac, oo 25 jir ah. Eedeysanaha ayaa lagu eedeeyay inuu xalay dil ka geystay deegaanka Madaraso Sheekh Maxamed oo hoostaga IliX, halkaas oo uu ku dilay marxuum Cabdishakuur Xasan Geledi, sida ay sheegeen saraakiisha...
Maxamuud Sayid Aadan: Xalka Gobolka Gedo waa in wadatashi la isugu yimaado
Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa Gobolka Gedo dhigtay Gogol ay isugu imaanayaan mas’uuliyiinta maamulkaas, Siyaasiyiin, madax dhaqameed iyo dhinacyo kale si ay uga tashtaan Mustaqbalka Gobolkaas sida hadalka loo dhigay. Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo kamid ah mas’uuliyiinta kasoo jeeda Gobolka Gedo isla markaana tagay gogosha ayaa fariin u diray shaqsiyaadka fadhigaas isugu tagay. Waxa uu xusay...
Dowladda Uganda oo ciidamo hor leh u soo direysa Soomaaliya
Taliska Ciidanka Uganda ayaa shaaciyay in ay ciidamo u soo dirayaan Soomaaliya, kuwaasi oo la filayo in ay qeyb ka noqdaan howlgalka AUSSOM ee ka socda gudaha dalka. Ciidamadan ayaa waxaa magaalada Kambala loogu soo gaba gabeeyay tababar la xiriira la dhaqanka bulshada iyo ilaalinta dadweynaha, waxaana ay garab siin doonaan Dowladda Federaalka Soomaaliya. Taliyaha Qaybta 1-aad ee Ciidamada Lugta Uganda,...
Ciidanka Xoogga oo Sheegay Inuu Dilay Laba Horjooge oo ka Tirsanaa Al-Shabaab kuna sugneyd Gobolka Shabeellaha Hoose
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ay ka fuliyeen deegaanka Hanti Wadaag ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay laba xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya. Qoraalka ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu bartilmaameedsaday horjooge lagu magacaabi jiray Abuu Cabdalla, kaas oo muddo dheer ku lug lahaa abaabulka iyo fulinta falal amni-darro...
Maxkamadda CQS oo la horgeeyay Ajaanib u dhalatay Itoobiya oo ku eedeysan in ay katirsan yihiin AL-shabaab
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida waxaa lasoo taagay Rag u dhashay Itoobiya oo la sheegay in ay katirsan yihiin kuwaas oo ciidamo katirsan Kuwa Sirdoonka Soomaaliya ay kusoo qabteen howlgal qorsheysan oo ka dhacay DG Koofur Galbeed gaar ahaan Magaalada Baydahbo. Eed ka dhan ah Raggaan oo labo ruux ah ayaa laga hor jeediyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyada oo lagu...
Puntland oo ku eedeysay Dowladda Federaalka inay caqabad ku noqotay horumarinta waxbarashada
Wasiirka Waxbarashada Puntland, Fuad Abshir Axmed (Adeer), ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya in ay caqabad ku noqotay dadaalladii lagu xoojinayo iskaashiga waxbarashada iyo taageerada ay Puntland ka hesho beesha caalamka iyo hay’adaha horumarinta. Wasiirka waxbarashada wuxuu sheegay in Puntland muddo ka badan hal sano ay waday dadaallo lagu raadinayo wada-shaqeyn iyo isfaham ay la yeelato Wasaaradda Waxbarashada Federaalka si...









