Puntland: Qofkii ku hara goobaha dagaalka Calmiskaad waxaa loo aqoonsan doonaa argagixiso

0

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Puntland, Maxamed Baari Shire, ayaa ugu baaqay dadka reer miyiga ah ee ku nool deegaanka Calmiskaad inay muddo shan maalmood gudahood ah uga baxaan goobaha ay ka socdaan howlgalada ka dhanka ah kooxda Daacish. Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in cid kasta oo ku sii nagaata deegaanada uu dagaalku ka socdo, wixii ka dambeeya...

Axmed Madoobe oo si kulul u dhaliilay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud

0

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa khudbad uu ka jeediyay magaalada Kismayo kadib salaaddii Ciidda, si adag ugu weeraray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud isaga oo ku eedeeyay in dowladdiisu ku fashilantay hoggaaminta dalka iyo ilaalinta wada-shaqeynta siyaasadeed. Axmed Madoobe ayaa sheegay in “waqtigii dowladda dhexe uu dhammaaday”, isagoo ku dooday in aan maanta jirin dowlad lagu kalsoonaan karo oo ay dhinacyada...

Madaxweynaha Somaliland Jabuuti iyo Soomaaliya waxa aan u sheegaya in ay ixtiraamaan nabada iyo daris wanaaga

0

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in Somaliland ay wajahayso cadaawad iyo faragelin uga imanaysa dalal deris ah, isaga oo si gaar ah ugu baaqay dowladaha Jabuuti iyo Soomaaliya inay ixtiraamaan deris wanaagga iyo nabadda gobolka. Madaxweyne Cirro oo hadal ka jeediyay munaasabada Ciidda ayaa sheegay in siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland ay ku dhisan tahay nabad ku wada...

MW Xasan Sheekh “Amniga hala ilaaliyo oo yaan dib loogu noqon wixii lasoo maray”

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo si qotodheer uga hadlay amniga ayaa shacabka ugu baaqay in ay is dhinac dhigaan kahor adkaynta nabadgalyada iyo maanta. Waxa uu Shacabka usoo jeediyay in ay Laamaha Ammaanka kala shaqeeyaan sii xoojinta nabadgalyada, meel fog ayuu ka istaagay hadallada lagu durayo Dowladda Federaalka iyo qorshaha lagu sugayo Amniga. “Amniga hala ilaaliyo oo aan...

Raysal Wasaaraha Itoobiya oo sheegay in dalkiisu u baahan yahay marin badeed “wada hadal iyo xasilooni” lagu gaadho

0

Raysal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed Cali, ayaa sheegay in dalkiisu weli aaminsan yahay in baahida Itoobiya ee marin badeed lagu gaadhi karo wada hadal iyo isfaham, isaga oo xusay in Itoobiya ayna doonayn colaad ama dagaal ka dhasha arrintaasi. Raysal Wasaaruhu wuxuu sheegay in Itoobiya ay muddo ku dhow 30 sanno ka hor lumisay marin badeedkeedii, islamarkaana ayna u muuqan...

Maalin kasta indha cadees Iyo sharci ku tumasho yaan lagu jirine xaqiiqada aqbal{Warbixin}

0

1-In ciidamada ilaalada madaxweynihii hore ee soomaaliya sheikh shariif taliye Macalin Mahdi uu ku tilmaamay maleeshiyaad hubeysan, ay yihiin ciidan ka tirsan CXDS Guutada 77-aad, gaar ahaan ilaalada madaxtooyo soomaaliya. 2-Inay yihiin ciidan xooga qaranka loo diiwaangeliyay kahor doorashadii 2009 Madaxweynihii hore sheikh shariif, ilaa iyo Maantana inay qataan mushaarkii milatariga iyo saraakiil guutada 77. 3-In Macalin Mahdi xiliga ay madatooyo...

Jubbaland oo cafis u fidisay tiro Maxaabiis ah

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa cafis u fidiyay maxaabiis ku xukumnaa dambiyo fudud oo ku xirnaa xabsiga dhexe ee magaalada Kismaayo. Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jubaland oo ku taariikheysan 26-ka May 2026, ayaa lagu sheegay in cafiskan uu ku yimid munaasabadda Ciidul Adxa sanadkan 1447 Hijriyada. Sida ku xusan wareegtada, 31 maxbuus oo kamid ahaa...

Dowladda Indonesia oo soo saartay Amar la xiriira maalmaha Ciidul Adxa

0

Wasiirka cunada ee dalka Indonesia, Zulkifli Xasan ayaa sheegay in aan marna la aqbali karin in ganacsatada ay kordhiyaan qiimaha cunada quutul daruuriga, xilligaan oo ay Ummadda Muslimiinta ah. Amar ka soo baxay Madaxweynaha Indonesia ayaa loogu baaqay ganacsatada in aysan sameyn karin qiimo kordhin, iyadoo aysan ogeyn Dowladda. Sida ay warbaahinta gudaha dalkaasi Indonesia sheegayso dalkaasi waxaa ka taagan mushkilada...

Jubaland oo dowladda federaalka ku eedeysay faragelin lagu sameeyay duulimaad rayid ah

0

Jubaland ayaa si adag u cambaareysay tallaabo ay sheegtay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku hor istaagtay diyaarad rayid ah oo ay leedahay shirkadda Maandeeq Air, taas oo rakaab ka qaaday magaalada Kismaayo kuna sii jeeday Dhoobley. War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta Jubaland ayaa lagu sheegay in diyaaradda, oo lambarkeedu ahaa 5Y IFY, lagu qasbay inay u leexato magaalada Muqdisho...

Booliiska oo ku hanjabay in uu xirayo Ragga hubaysan ee dibadbaxayaasha la socda

0

Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin (Macallin Mahdi) ayaa sheegay in Booliisku uu soo qabanayo Rag hubaysan oo la socda dibadbaxayaal dhinaca mucaaradka ka yimid oo handaday ciidamo katirsan kuwa ammaanka Dowladda. Waxa uu sheegay in la hayo xogtooda, sawirradooda, magacyadooda iyo dhammaan macluumaadka kale ee lagu soo qaban karo Raggaas hubaysan waa sida uu hadalka...