Ku dhawaad 2 Milyan oo Xaaji oo kusii qulqulaysa Buurta Carafo

0

Ku dhawaad 2 Milyan oo Xaaji oo sanadkaan u suuragashay in ay gutaan rukniga 5aad ee Tiirarka Islaamka ayaa usii qulqulaya Buurta Carafo, waxa ay halkaas ku sugnaan doonnaan ilaa gabbal-dhaca maanta iyaga oo ku ducaysanaya. Marka la gaaro saaladda Duhur ayay isku jamcin doonnaan duhur iyo Casir, waxaa loo jedin doonnaa khudbad iyaga oo dib ugu laaban doonna Buurta,...

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya oo sheegay in dhawaan la dhageysan doono kiiska Sacdiyo Bajaaj

0

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya, Suleymaan Maxamed Maxamuud, ayaa sheegay in dhawaan maxkamad la horgayn doono Sacdiyo Macalin Cali Xasan, oo ahayd darawal mooto Bajaaj, isagoo sheegay in kiiskeedu uu marayo heer gabagabo ah oo dhanka baarista iyo dacwad oogista ah. Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in muddooyinkii dambe ay soo bateen warar aan sax ahayn oo laga faafinayo hay’adaha caddaaladda,...

Burcad-badeedda soomaaliya oo adeegsanaya drones iyo gps si ay u ugaarsadaan maraakiibta

0

Burcad-badeedda Soomaalida ayaa hadda adeegsanaya diyaarado aan duuliye lahayn iyo nidaamyada casriga ah ee GPS-ka si ay ula socdaan dhaqdhaqaaqa maraakiibta, sida ay sheegtay Khadija Mamouni oo ka tirsan xarunta daraasaadka ee dalka Morocco Mamouni ayaa sheegtay in burcad-badeednimada Soomaaliya ay isu beddeshay warshad weerarro qorsheysan fulisa, iyadoo kooxahaasi ay ka faa’iideysanayaan tiknoolajiyadda casriga ah iyo iskaashi ay la yeesheen...

Ciidamada Ammaanka Puntland & Daacish oo ku dagaalamay Calmiskaad

0

Ciidamo katirsan kuwa ammaanka ee Dowlad-Goboleedka Puntland iyo kuwa Daacish ayaa ku dagaalamay Buuraha Calmiskaad, waxaana ka dhashay khasaara isugu jira dhimasho iyo dhaawac sida ay ku warrameen ilo kala duwan. Dagaalka waxa uu yimid kaddib markii xubno katirsan Daacish ay weerareen saldhig ciidamada Puntland ay ku sugnaayeen, waxaa xigay iska hor imaad toos ah oo ka dhacay goobtaas sida...

Afar sanno ka dib Ciyaal Weero oo Muqdisho dib ugu soo laabtay!

0

Sannadihii dambe amniga magaalada Muqdisho ayaa ahaa mid soo hagaayay, ka dib isbadal weyn ay sameeyeen laamaha amniga caasimadda, kuwaas oo dajiyay qorshe kor loogu qaadayay nabad galyada magaalada oo sannado la daris ahaydn amni darro. Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay soo afjarista falalka liddiga ku ah amniga caasimadda, waxaa hoos u dhacay Qaraxyada, dilalka, dhaca, iyo afduubka Muqdisho ay...

Ciidamada madaxtooyadda Soomaaliya oo howlgal ka fuliyay xaafadaha xeyndaabka madaxtooyada

0

Ciidamada gaarka ah ee madaxtooyadda Soomaaliya ayaa howlgal aan horay looga baran ka fuliyay xaafadaha xeyndaabka ee qasriga madaxtooyada. Howlgalkaan oo socday ilaa waaberigii saakay ayey ciidamadu guri guri ku galayeen iyadoo dadka laga soo saarayay guryaha, lana weydiinayay aqoonsiyadooda iyo tixraaca shaqsiyadeed. Dhalinyaro isugu jirta da’walba ayaa howlgalkaasi lagu qabqabtay, iyadoo markii danbe lagu sii daayay dhalinyaradaasi markii baaris iyo...

Soomaaliya oo si ku meel gaar ah u hakisay safarka Masar ee “OK-to-Board”

0

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa shaacisay in laga bilaabo 24-ka May 2026 oo maanta ah si ku meel gaar ah loo hakiyay oggolaanshaha safarada OK-to-Board ee muwaadiniinta Soomaaliyeed u socda dalka Masar. Hay’adda ayaa sheegtay in go’aankan uu ka dambeeyay caqabadaha dhowaan ka soo wajahay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee safarka ku maray Masar. OK-to-Board waa oggolaansho safar oo ku meel gaar...

Horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka

0

Horjooge lagu magacaabo Cali Maxamed Coloow oo watay qori AK-47 ah iyo booshkiisa ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose, kadib markii uu ka soo baxsaday weerarro ay ciidamada dowladda ku qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ee deegaanka Ugunji. Ninkan isku soo dhiibay ciidamada ayaa sheegay...

Ku dhawaad 2 Milyan oo Xaaji oo gudanaya Acmaasha Xajka 1447/2026

0

Sannadaan waxaa xajinaya ku dhawaad 2 Milyan oo Xaaji sida ay ku warrameen mas’uuliyiin katirsan Wasaaradda Xajka & Cumrada ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, waxaana berri u billaabanaya xujeydaas acmaasha. In ka badan 1.5 Milyan oo Xaaji ayaa dalka dibaddiisa ka timid halka gudaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay ka xajinayaan ku dhawaad 3 Milyan oo qof sida ku xusan diiwaanka Xujeyda...

Puntland oo xabsiga dhigtay sarkaal ciidan oo ka hadlay cabasho mushaar

0

Sarkaal ka tirsan ciidanka Daraawiishta Puntland oo lagu magacaabo Gaashaanle Cabdiraxmaan Cabirisaaq Wayrax ayaa loo taxaabay xabsiga magaalada Garowe. Sarkaalkan ayaa maalmo kahor warbaahinta ka sheegay cabashooyin la xiriiray mushaar la’aan iyo xaalado dayac caafimaad ah oo uu sheegay inay wajahayaan saraakiisha iyo ciidamada Daraawiishta Puntland ee ku sugan xerada 54-aad ee Garowe. Wuxuu sidoo kale sheegay in saraakiil ka tirsan...