In ka badan 1.6 Milyan oo Xujey ah oo soo gaaray dalka Sacuudi Carabiya
In ka badan 1.6 milyan oo xujey Muslimiin ah ayaa gaaray dalka Sacuudi Carabiya si ay u gutaan waajibaadka sannadlaha ahee Xajka. Tiradan ayaa muujinaysa kororka xujeyda ka soo qulqulaya daafaha caalamka ee ku wajahan magaalada barakaysan ee Maka. Mas’uuliyiinta dalka Sacuudi Carabiya ayaa sheegay inay kor u qaadeen tallaabooyinka amniga iyo kuwa lagu xaqiijinayo badqabka dadweynaha, si loo maareeyo saxmadda...
Sare u kac ku yimid Qiimaha Xoolaha la gowraco Ciidda Carafo ee Suuqyada magaalada Muqdisho
Suuqyada lagu iibiyo xoolaha ciidda ee magaalada Mogadishu ayaa laga dareemayaa sare u kac xooggan oo ku yimid qiimaha ariga la qalo munaasabadda Ciidul Adxaa, iyadoo ganacsatada iyo shacabka ay sheegayaan in abaaraha iyo hoos u dhaca dhaqaalaha ay si weyn u saameeyeen suuqyada xoolaha. Suuqa Dayax oo kamid ah goobaha ugu waaweyn ee lagu kala iibsado xoolaha ayaa noqday...
Qashin Farabadan oo Dhooban Ifka Xalane ilaa Iridda Galbeed ee Stadium Muqdisho
Inta u dhexeysa Ifka Xalane iyo iridda galbeed ee laga galo Tuulada Ciyaaraha Stadium Muqdisho, gaar ahaan dhanka woqooyi, waxaa dhooban qashin badan oo u muuqda in ay halkaas ku shubeen gaadiidka qashinka qaada, Gaari-dameero iyo dad shakhsiyaad ah. Waxaa arrinta ka sii daran in dhowr mitir uun halkaas ay deggan yihiin ciidamo ka tirsan qaybaha kala duwan ee amniga...
Burcad-badeed Soomaali ah oo markab shidaal ku weerartay gacanka Cadmeed
Kooxo looga shakisan yahay burcad-badeed Soomaali ah ayaa weeraray markab shidaal siday, balse ilaaladiisa ayaa rasaas digniin ah riday si ay uga hortagaan doon si shaki leh ugu soo dhowaatay. Shirkadda amniga ee markabkaasi ayaa dhacdada u gudbisay hay’adda UK Maritime Trade Operations (UKMTO), iyadoo sheegtay in markabku marayay meel qiyaastii 98 mayl-badeed u jirta jasiiradda Socotra ee Yemen maamusho,...
Somaliland oo Guddi Baaris ah u Saartay Dhallinyaro Lagu Xiray Rabshado Ka Dhacay Boorama
Somaliland ayaa guddi baaris ah u saartay dhallinyaro habeenno ka hor rabshado ka sameeyay magaalada Boorama, kuwaas oo ay ciidamada booliisku xidheen kadib markii lagu eedeeyay inay rabshado ka dhigeen magaalada iyaga oo dhawaaqaya hadallo ka dhan ah xuska 18-ka May. Dhallinyarada la xiray ayaa la sheegay inay kor u dhaafayaan boqol qof, inkasta oo maamulka gobolka uu sheegay in...
Booliska Muqdisho oo sheegay inay qabteen dhalinyaro abaabulay rabshado iyo Mucaaradka oo ka falceliyay
Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan Taliska Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen dhalinyaro lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen falal rabshado iyo saxmad looga sameeyay baro hubin oo ciidamada ammaanku ka sugayeen amniga caasimadda Muqdisho. Bayaan kasoo baxay Booliska ayaa lagu sheegay in dadka la qabtay ay abuureen xaalado khatar gelin kara amniga, xasilloonida...
Dad loo diiday in ay qaataan Maydka qof u dhintay Ebola oo gubay teendhooyinka dadka lagu Karaantiillo
Dad ka caraysan in loo diiday in ay qaataan Maydka qofka ka dhintay si ay aas ugu sameeyaan ayaa gubay Teendhooyin Dowladda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ay ka dhistay Bariga Dalkaas ayaa dab qabadsiiyay xarumahaas Caafimaad. Ehelka ficilkaan sameeyay ayaa ku dooday in qofka ka dhintay aanay u dhiman cudurka Ebola sidaas awgeed ay ku qasban yihiin inay aas ugu sameeyaan...
Duqeyn sababtay dhimasho iyo dhaawac dad rayid ah oo ka dhacday Gobolka Jubbada Hoose
Diyaarado dagaal ayaa duqeymo ka fuliyay deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaan Tuulada Kanjaroon. Duqeynta ayaa sababtay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah, sida uu xaqiijiyay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo la hadlay Warbaahinta. Xildhibaanka ayaa sheegay in duqeynta lagu dilay dad shacab ah oo ay ku jiraan carruur, haween iyo dad waayeel ah, isagoo ugu baaqay...
Ciidan taabacsan Laftagareen oo xalay weeraray Baydhabo iyo K/Galbeed oo War ka soo saaray Dagaalkaas
Xaaladda amni ee magaalada Baydhabo oo ah xarunta gobolka Bay ayaa gashay marxalad cusub oo kacsanaan ah, kadib markii dagaal culus uu xalay ka dhacay xaafadda Barwaaqo ee magaalada Baydhabo i, taasoo sare u qaaday walaaca laga qabo in xiisadda siyaasadeed iyo tan militari ee ka taagan Koonfur Galbeed ay isu beddesho colaado ballaaran. Ciidamo daacad u ah madaxweynihii hore...
Soomaalida ku nool Koonfur Afrika oo loo jeediyay inay muujiyaan feejignaan dheeri ah
Safaaradda Soomaaliya ee South Africa ayaa digniin amni u dirtay dhammaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas, iyadoo laga cabsi qabo bannaan-baxyo iyo rabshado ka dhaca qaar kamid ah gobollada dalka. Safaaraddu waxay ugu baaqday muwaadiniinta Soomaaliyeed inay muujiyaan feejignaan dheeri ah, kana fogaadaan goobaha laga dareemayo khataraha amni iyo isu imaatinnada suuragalka ah ee rabshadaha sababi kara. Digniinta ayaa sidoo...









