DG Puntland oo sheegtay in ay qabatay kooxo Burcad Badeed ah

0

Saraakiil katirsan ciidamada ammaanka Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa sheegay in ay kordhiyeen howlgallada ka dhanka ah Kooxaha Burcad badeedda oo muddooyinkii dambe weerarro ka fuliyay deegaanno katirsan Dowlad-Goboleedkaas. Puntland ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay xubno katirsan Kooxahaas Burcad Badeedda ah kuwaas oo ay ku qabatay Gobolka Bari, waxa ay tilmaamtay in lala xisaabtami doonno si looga hortago falalka amniga...

Madaxdii Dalka Soomaaliya oo waqtiga ka dhammaaday iyadoo Muqdisho oo laga diiday isticmaalka Lacagta Shilin Soomaaliga ah

0

Ganacsatada Magaalada Muqdisho ayaa joojiyay isticmaalka lacagta shilinka Soomaaliga, kunka shillin (1,000) oo ah lacagta keliya kasoo hartay lacagihii uu dalka lahaa ayaa laga diiday suuqyada Caasimadda. Gaadiidka Dadweynaha, Suuqyada iyo Dukuumada yaryar ee Caasimadda oo ah meelaha kooban ee isticmaalka Shillin Soomaaligu uu ku badnaa ayaa laga diiday dadkii doonayay in ay wax kusoo iibsadaan. Dadka ugu badan ee arrintaan...

IGAD oo Dowladda & Mucaaradka ugu baaqday in ay sii wadaan wadahadallada

0

War kasoo baxay Urur Goboledka IGAD ayaa looga hadlay xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya, waxaana baaq loogu diray Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Mucaaradka si ay dib ugu laabtaan dhabbaha wadahadalka sida hadalka loo dhigay. Xoghayaha guud ee Urur Goboleedka IGAD ayaa saamilayda siyaasadda Soomaaliya ugu baaqay in ay ilaaliyaan xeendaabka nabadda & Wadahadalka isla markaana diiradda ay saaraan wadaxaajood mira-dhal...

Hay’adaha gargaarka oo sheegay in Soomaaliya ay qarka u saaran tahay macluul

0

Soomaaliya ayaa mar kale wajahaysa halis macluul oo sii xoogeysanaysa, kadib warbixin cusub oo muujisay in malaayiin qof ay ku jiraan xaalad gaajo ba’an, xilli abaarta daba dheeraatay, colaadaha iyo hoos u dhaca gargaarka bani’aadannimo ay si wadajir ah u sii xumeeyeen xaaladda nololeed ee dalka. Warbixinta ay soo saartay hay’adda qiimeysa sugnaanta cunnada ee IPC ayaa sheegtay in in...

Hal askari oo ku dhintay isku dhac dhexmaray askar ka tirsan ciidamada Somaliland

0

Hal askari ayaa ku dhintay tiro kalena way ku dhaawacmeen kadib isku dhac dhexmaray laba askari oo ka tirsan ciidamada Somaliland, kaas oo maanta ka dhacay magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, xilli ay soo dhamaatay munaasibad uu ciidanku ugu diyaargaroobayay munaasibadda 18-ka May. Masuuliyiinta maamulka gobolka Sanaag ayaa sheegay in dhacdadu ay ka dhalatay shaqaaqo dhexmartay laba askari oo kamid...

Qaramada Midoobay oo ka xumaatay wadahadalladii Dowladda iyo mucaaradka ee Natiijo La’aanta kusoo Dhammaaday

0

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay ka xun tahay in wadahadalladii siyaasadeed ee u dhexeeyay dhinacyada Soomaalida ay kusoo dhammaadeen natiijo la’aan, inkastoo dib loo bilaabay wada-hadalladaasi intii u dhaxaysay 13 illaa 15-ka May. Bayaan ay soo saartay bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNTMIS ayay ku ammaantay dhinacyada dib u furay wadahadallada, iyadoo sidoo kale uga mahadcelisay saaxiibbada caalamiga ah...

Israa’iil oo sheegtay in ay Somaliland la yeelanayso iskaashi amni, dhaqaale iyo tiknoolajiyadeed

0

Danjiraha ay Israa'iil dhawaan u magacawday Somaliland, Michael Lotem, ayaa sheegay in xidhiidhka u dhexeeya Israa’iil iyo Somaliland uu si degdeg ah ugu sii fidayo dhinacyo badan oo ay kamid yihiin amniga, tamarta, kaabeyaasha dhaqaalaha, tiknoolajiyadda iyo ganacsiga. Wareysi uu siiyay warbaahinta Israa’iiliga ah ee N12, Lotem waxa uu sheegay in Somaliland ay muujisay rabitaan xooggan oo ku aaddan inay...

16-ka May, 2026: Soomaaliya oo Noqotay Waddan Aan Lahayn Baarlamaan Sharciyan Sax Ah iyo Madaxweyne

0

Waxay tahay arrin aan la rumaysan karin oo qalbi jab leh in, maanta oo 16-ka May, 2026, Soomaaliya ay ku toostoy iyadoo aan lahayn Baarlamaanka Federaalka iyo Madaxweynaha Federaalka ee sharci ah tan ugu horreysa tan iyo aasaaskii Dowladda Federaalka joogtada ah ee Soomaaliya 1-da Agoosto, 2012. Mudada Baarlamaanka Federaalka ayaa dhacday 14-ka April, 2026, halka muddo xileedka Madaxweynaha...

Farmaajo: Soomaaliya waxay wajahaysaa firaaq dastuuri ah iyo hubanti la’aan siyaasadeed

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dalka uu galay marxalad siyaasadeed iyo mid dastuuri ah oo halis ah, kaddib dhammaadka muddo xileedka dastuuriga ah ee Madaxweynaha iyo Baarlamaanka Federaalka. Warsaxaafadeed uu soo saaray Farmaajo ayuu ku sheegay in xaaladda taagan lagu xallin karo oo keliya wadatashi qaran oo ay ka qeyb galaan hoggaanka siyaasadda, waxgaradka iyo...

Mas’uuliyiin DFS & Koofur Galbeed oo ka qaybgalay aaska saraakiil lagu dilay Duleedka Baydahbo+Sawirro

0

Magaalada Baydhabo waxaa maanta aas loogu sameeyay Taliyeyaashii Guutooyinka 8aad iyo 9aad ee Ciidanka Xoogga Dalka kuwaas oo shalay ku dhintay dagaal ka dhacay Duleedka Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed. Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Koofur Galbeed, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Dalka, Wasiirro, Xildhibaanno ka tirsan Dowlada Federaalka, masuuliyiin ka tirsan...