Midowga Yurub oo sheegay inuu sugayo heshiis siyaasadeed oo laga gaaro doorashooyinka Soomaaliya

0

Midowga Yurub ayaa sheegay inuu sugayo war-saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saaraan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka, kaas oo lagu caddeynayo nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa iyo jadwalka loo asteeyay, xilli wada-hadallada siyaasadeed ee Muqdisho ay galeen maalintoodii saddexaad. Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa qoraal ay ku baahisay barta X ku sheegtay in Soomaaliya...

Pakistan: Ehellada Shaqaalaha Markab lagu afduubtay Soomaaliya oo Bannaanbax dhigay

0

Qoysaska qaar ka mid ah shaqaalaha markabka shidaalka ee lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya ayaa ka dhigay dibadbax magaalada Karachi, iyagoo dowladda Pakistan ka dalbaday in la sii daayo ehelladooda oo muddo 23 maalmood ah gacanta ugu jira burcad-badeed Soomaali ah. Markabka MT Honour 25 oo wata calanka Palau ayaa la afduubtay 21-kii April meel qiyaastii 30 mayl-badeed u jirta xeebaha...

Golaha Mustaqbalka oo dib u dhigay bannaanbaxii Muqdisho xilli wada-hadallo siyaasadeed socdaan

0

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inay dib u dhigeen bannaanbax lagu waday inuu ka dhaco magaalada Muqdisho 16-ka May, iyagoo sheegay inay doonayaan inay fursad siiyaan wada-hadallada siyaasadeed ee u socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar kamid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka. War-saxaafadeed kasoo baxay Golaha ayaa lagu sheegay in go’aanka dib loogu dhigay bannaanbaxa loo qaatay si loo dhiirrigeliyo dadaallada...

Ruushka oo Gargaar Cunto usoo Diraya Soomaaliya iyadoo ay sii xumaaneyso xaaladda bani’aadantinimo

0

Dowladda Ruushka ayaa qorsheyneysa inay gargaar cunto soo gaarsiiso Soomaaliya si loo taageero bulshada nugul ee ay saameeyeen abaaraha, colaadaha iyo barakaca, sida ay sheegtay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya (SoDMA). Arrintan ayaa lagu dhawaaqay kadib kulan ka dhacay Muqdisho oo dhexmaray Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cali Yuusuf Cali Xoosh, Guddoomiyaha SoDMA Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo safiirka Ruushka u fadhiya Jabuuti...

Dagaal ka dhacay duleedka Magaalada Baydhabo

0

Dagaal ayaa saacadihii la soo dhaafay ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo uu sababay dhimashada saraakiil iyo askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Dagaalkan oo dhexmaray ciidanka qaranka iyo xubno ka tirsan AL-shabaab ayaa si gaar ah uga dhacay deegaannada Ceel Doon iyo Maur oo hoos yimaada magaalada Baydhabo. Saraakiisha ku geeriyooday dagaalka ayaa waxaa kamid ah Ku-simaha Taliyaha Qeybta 60-aad...

Madaxweynaha Kenya oo ka hadlay dagaalkii Raaskambooni iyo wada hadallada Dowladda iyo Mucaaradka

0

Madaxweynaha Dalka Kenya, William Ruto ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga hadlay dagaalladii ka dhacay deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose, isagoo sheegay in Kenya ay door ka qaadatay dejinta xaaladda iyo taageeridda qaar ka mid ah ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya. Ruto oo wareysi gaar ah siiyay France 24 ayaa faahfaahin ka bixiyay dagaalkii Raaskambooni, isagoo xusay in...

Guddoomiyaha gobolka Gedo oo sheegay in aan Gedo lagu qaban karin doorasho aan laga wada tashan

0

Guddoomiyaha gobolka Gedo, Cabdullahi Shimbir, ayaa sheegay in doorasho kasta oo laga qabanayo gobolka ay tahay in lagu saleeyo wadatashi iyo sharciyad, isaga oo sheegay inaan maamulka gobolka lagala tashan qorsheyaasha doorashooyinka la sheegay in laga qabanayo Gedo. Gudoomiye Shimbir ayaa sheegay in wada-hadallo ay kula yeesheen Dowladda Federaalka magaalada Muqdisho ay diiradda saareen arrimaha doorashooyinka iyo hirgelinta nidaamka qof...

Kulanka Dowladda iyo Mucaaradka oo maanta dib u billaabanaya iyo qoddobada diiradda lagu saarayo

0

Mar kale manta waxaa Muqdisho ka sii socon doona kulanka Madaxda Dowladda iyo Mucaaradka, kaasi oo ay garwadeen ka yihiin Diblumaasiyiinta Mareykanka iyo Ingiriiska. Kulanka oo galaya marxalad xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac, halka Mucaaradka ay matalayaan Madaxweyne hore Shariif Shiikh Axmed iyo Madaxweynaha...

Guddiga Xuquuqul Insaanka Soomaaliya oo Walaac Ka Muujiyay Xarigga Sacdiya Macallin Cali

0

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed ayaa walaac xooggan ka muujiyay sii socoshada xarigga Sacdiya Macallin Cali, oo muddo ka badan bil ku xiran Xabsiga Dhexe ee Muqdisho iyadoo aan weli si rasmi ah dacwad loogu soo oogin. War-saxaafadeed uu guddigu soo saaray ayaa lagu sheegay in guddigu 29-kii Abriil booqasho ku tagay Xabsiga Dhexe si uu ugu kuurgalo...

Dowlada Ingiriiska oo muwaadiniinteeda uga digtay in ay u safraan Soomaaliya oo dhan oo Somaliland ku jirto

0

Dowladda Ingiriiska ayaa mar kale cusboonaysiisay digniinta safarka ee ay ka bixiso Soomaaliya, iyada oo muwaadiniinteeda uga digtay khataraha amni ee ka jira guud ahaan Soomaaliya iyo qaybo kamid ah Somaliland. Warbixin ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska (FCDO) ayaa lagu sheegay in dowladda UK ay mamnuucday dhammaan safarrada lagu tagayo Soomaaliya oo dhan, oo ay ku jiraan...