Maxaa ka soo baxay shirkii u dhaxeeyay dowladda, mucaaradka iyo Beesha Caalamka?

0

Shir saacadihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho uga socday Dowladda Soomaaliya, Mucaaradka iyo xubno ka tirsan Beesha Caalamka ayaa la soo gaba gabeeyay. Kulanka waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Saalax Axmed, Madaxweynihii hore Shariif Shiikh Axmed iyo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni. Labada dhinac ayaa waxaa dhexdhexaadinaya Diblumaasiyiinta Mareykanka iyo...

Gudiga Doorashada ee lagu miransanay oo baal-maray waajibka sharciga ah ee ah in xisbiyada la siiyo liiska kama dambaysta ah

0

1-Jabinta Xeerka Lr. 28 (Liiska Codbixiyeyaasha): Guddigu wuxuu baal-maray waajibka sharciga ah ee ah in xisbiyada la siiyo liiska kama dambaysta ah ee heer maamul goboleed, heer degmo, iyo heer goob 30 maalmood ka hor. In liiska la bixiyo 9-kii May (24 saac ka hor) waxay curyaamisay hufnaantii iyo baaritaankii (Audit) lagu ogaan lahaa dadka been abuurka ah. 2- Is-diidmada Xisaabta...

Burcad-badeeda Soomaali ah oo kordhiyay lacagta madax furashada ah ay ku rabaan badmaaxiin Masaari

0

Kiiska afduubka markabka ganacsiga ee “MT Eureka” ee lagu haysto xeebaha Soomaaliya ayaa galay marxalad cusub, kaddib markii qoysaska qaar ka mid ah shaqaalihii saarnaa ay shaaciyeen in burcad-badeeddu kordhiyeen lacagta madax-furashada oo hadda gaartay 10 milyan oo dollar. Amiira Maxamed, oo ah xaaska Injineer Maxamed Raadi, mid ka mid ah siddeed badmaax oo Masaari ah oo lagu afduubay markabka...

Madaxweynaha Puntland oo soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya

0

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya oo galabta loogu soo dhaweeyay. Saciid Deni oo ka tirsan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa magaalada Mudisho u yimid ka qayb-galka wada-hadallado cusub oo u bilaabanayo Villa Soomaalya iyo Golaha, kuwaas oo ay garwadeen ka tahay beesha caalamka. Wararka ayaa sheegaya in shirkaas uu...

Goobaha Ganacsi ee ku yaal Suuqa bakaaraha oo xiran Kadib Lacago baad oo lagu soo rogay

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa 9 shuruud hordhigtay Ganacsatada Suuqa wayn ee Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, shuruudahaas waxaa ka dhashay in la xiro goobaha Ganacsiga Suuqaas. Ganacsatada ayaa ku dooday in qodobada qaar ay ku adag tahay sidaas awgeed ay u xireen goobahooda Ganacsiga. 1-Business license (Shatiga Hay’adda) 2-Passport Owners (Milkiilaha Baasaboorkiisa) 3-Company Profile (Hay’adda Profile-keeda) 4-Notory (Nootaayada/Xeerhoosaadka/ By Law-ga) 5-Company E-mail (Hay’adda E-maile-keeda) 6-Phone Number (Number-ka...

Puntland oo si adag u dhaliishay qorshaha dowladda federaalka ee hirgelinta doorasho qof iyo cod ah

0

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa si adag u dhaliilay qorshaha dowladda federaalka Soomaaliya ee hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, isaga oo sheegay in xaaladda amni ee dalka aysan weli u saamaxayn nidaamkaas. Qarjab ayaa sheegay in deegaano badan oo ku hareeraysan gobolka Banaadir ay weli gacanta ugu jiraan Al-Shabaab, isaga oo tusaale u soo qaatay...

Golaha Deegaanka Hargeysa oo Doortay Maayir iyo Ku-xigeen Cusub

0

Golaha Deegaanka caasimadda Hargeysa ayaa maanta doortay maayirka cusub ee magaalada, kadib kalfadhi aan caadi ahayn oo ka qabsoomay xarunta Dawladda Hoose ee Hargeysa. Mudaneyaasha Golaha Deegaanka ayaa u doortay Cabdirisaaq Maxamed Faarax Wiiwaa inuu noqdo Maayirka cusub ee Hargeysa, halka Aadan Jaamac Xaddi Mideeye loo doortay jagada Maayar ku-xigeenka caasimadda. Maayirka cusub ee Hargeysa, Cabdirisaaq Maxamed Faarax Wiiwaa, ayaa hadal...

Dowladda Masar oo soo faragalisay badmaaxiin looga heeysto Xeebaha Soomaaliya

0

Waxaa isa soo taraya walaaca laga qabo xaaladda shaqaalaha saarnaa markabka shidaalka ee “MT Eureka”, kaddib markii laga soo afduubtay meel u dhow xeebaha Yemen lana geeyay dhanka biyaha Soomaaliya, iyadoo ay soo baxayaan baaqyo degdeg ah oo lagu dalbanayo faragelin caalami ah iyo mid Masri ah si loo badbaadiyo badmaaxiinta la haysto. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa Isniintii xaqiijisay...

Madasha Samatabixinta oo ku dhawaaqay mudahaarad kale oo ka dhan ah dowladda

0

Madasha samata-bixinta ayaa ku dhawaaqday bannaanbax kale oo Muqdisho ka dhicidoona 16-ka may kaddib ay dowladda federaalka ku eedeeyeen in ay hor istaagtay bannaanbaxii mucaaradku qorsheeyeen inuu shalay ka qabsoomo magaalada Muqdisho, kaas oo ay sheegeen in loogu hiilinayay dad laga barakiciyey guryahooda. Madasha waxay sheegeen inay inay sii wadi doonto waxa ay ku tilmaantay “halgan nabadeed” oo ka dhan...

Maxaa ka jira in Safaarada Mareykanka ay shir ku casuuntay DF & Mucaaradka?

0

Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Xalane lagu wado inuu ka qabsoomo shir xasaasi ah oo saddex geesood ah oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya, mucaaradka ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliya iyo dowladda Mareykanka oo door dhexdhexaadin ah qaadaneysa. Shirkaasi ayaa la qorsheynayaa inuu dhaco 13-ka bishan May, iyadoo xaaladda siyaasadeed ee dalka...