Mucaaradka Soomaaliya oo ku dhawaaqay bannaanbaxyo toddobaadle ah
Golaha Samatabixinta Mucaaradka ayaa ku dhawaaqay inay bilaabi doonaan bannaanbaxyo toddobaadle ah oo ka dhacaya Muqdisho laga bilaabo 4-ta Juun, kuwaas oo la qaban doono Khamiis kasta ilaa laga gaarayo heshiis siyaasadeed oo ku saabsan doorashada dalka. Ku dhawaaqistan ayaa timid kadib shir jaraa’id oo ay Muqdisho ku qabteen hoggaamiyeyaal mucaarad ah, oo ay ka mid ahaayeen madaxweynihii hore ee...
Xildhibaan Ingiriis ah oo madax looga dhigay machad ka shaqaynaya aqoonsi raadinta Somaliland
Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa xalay magaalada Hargeysa ka daahfuray machad cusub oo loogu magac daray “Machadka Madaxbannaanida iyo Aqoonsiga Somaliland”, kaas oo la sheegay in uu xoogga saari doono dardar-galinta ololaha aqoonsi raadinta Somaliland iyo u gudbinta qadiyaddeeda caalamka. Ad Madaxweynaha ayaa sheegay in machadkan ay hoggaankiisa qaban doonaan shakhsiyaad saaxiibo dhow la ah Somaliland, isaga oo tilmaamay...
Benjamin Netanyahu oo Maxkamad kasoo muuqday
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa maanta kasoo muuqday Maxkamad ku taalla Magaalada Tel Aviv, waxaana loo haystaa in uu ku dhaqaaqay Musuq, Laaluush & ku takrifal awoodeed sida lagu sheegay war lagu baahiyay Jannalka 12. Kiiskaan waxa uu soo furmay sanadkii 2019kii waxaana si toos ah loo galay sanadkii xigay waa 2020 halka 2024 ay xooggaysteen kiisaska loo haysto...
QM oo madaxdii hore ee Dowladda Soomaaliya & Mucaaradka ugu baaqday in ay sii wadaan wadahadalkooda
War kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Xoghaye Antonio Guterres uu si dhow uga warqabo ula socdo xaaladda Soomaaliya, waxa uu Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ku bogaadiyay in ay sii wadaan wadahadalkooda. Qaramada Midoobay ayaa ku dhiirragelisay Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka in si natiijo wanaagsan lagu gaari karo in ay uga wadahadlaan xaaladda Dalka gaar ahaan qodobada miiska...
Xildhibaan katirsanaa Baarlamaanka DG Puntland oo Mindi lagu dilay
Yuusuf Bootaan oo horay usoo noqday Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa lagu dilay Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, waxaana dilay Wiilkiisa oo lagu magacaabo Maxamed Yuusuf. Dilka Marxuum Yuusuf Bootaan waxa uu wiilkiisa u adeegsaday Mindi, waxaana la sheegay in uu dhimirka la’aa sida ay xaqiijiyeen xubno katirsan qoyska, waxaana lagu wadaa in lagu aaso magaalada Boosaaso ee...
Taliyayaasha Milatariga iyo Sirdoonka Itoobiya oo gaaray magaalada Jigjiga
Waxaa magaalada Jigjiga goordhow gaaray wafdi sare oo ka socda dowladda Itoobiya oo uu hoggaaminayo Taliyaha guud ee Ciidanka Difaaca Itoobiya Field Marshal Birhanu Jula. Wafdigan waxaa sidoo kale ka mid ah Madaxa Hay’adda Sirdoonka Itoobiya Redwan Hussein, General Xaaji iyo saraakiil kale oo sar sare. Tagistooda Jigjiga ayaa la xiriirta arrimo amni iyo xoojinta wada shaqeynta heer federaal iyo deegaan,...
Madaxweynaha Israa’iil oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Somaliland ee Israa’iil
Madaxweynaha Israa'iil, Isaac Herzog, ayaa maanta waraaqihii aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay danjiraha cusub ee Somaliland u fadhiyi doona Israa’iil, Dr. Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud (Maxamed Hagi), kaas oo noqday safiirkii ugu horreeyay ee si rasmi ah ugu metela Somaliland dal xubin ka ah Qaramada Midoobay. Munaasibadda lagu qabtay aqalka madaxtooyada ee magaalada Qudus ayuu madaxweynuhu kaga Guddoomay waraaqaha danjirenimo Danjire...
Somaliland oo si weyn looga xusay sanad-guuradii 35-aad ee 18-ka May
Guud ahaan deegaannada Somaliland ayaa maanta si weyn looga xusay sanad-guuradii 35-aad ee kasoo wareegtay maalinta gooni-isu-taaga Somaliland ee 18-ka May 1991, iyadoo muddo ka badan toban cisho ay magaalooyinka waaweyn iyo degmooyinka ka socdeen dabaaldegyo iyo munaasibado kala duwan oo lagu xusayay maalintan. Magaalada Hargaysa ayaa martigelisay munaasibadda ugu weyn, halkaas oo ciidamada kala duwan ee Somaliland ay salaan...
Isu socodka Gaadiidka Dadweynaha Kenya oo u joogsaday qiima-kororka shidaalka
Kumanaan qof ayaa saakay u lugeeyay goobaha Shaqo, Ganacsi, Waxbarasho iyo meelaha kale ee danaha gaarka ah ay ka leeyihiin ee Dalka Kenya kaddib markii shaqo joojin ay ku dhaqaaqeen wadayaasha Gaadiidka oo ka cabanaya qiima-kororka shidaalka. Dadkaan oo lugayanaya ayaa lagu arkay waddooyinka waa wayn ee Kenya, waxa ay qaarkood Dowladda ku dhaliileen in ay ka gaabisay ka jawaabista...
Puntland oo sheegtay inay gacanta ku dhigtay Koox xiriir la leh Burcad Badeeda
Maamulka Puntland ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen kooxo looga shakisan yahay burcad-badeednimo, kadib howlgallo amni oo laga sameeyay gobolka Bari. Saraakiisha ammaanka Puntland ayaa sheegay in howlgaladan ay qeyb ka yihiin dadaallo lagu xoojinayo la dagaallanka kooxaha burcad-badeedda ah ee ka howlgala xeebaha Puntland, gaar ahaan kadib dhacdooyin la xiriira afduub iyo weerarro lagu qaaday maraakiib...









